DFKM oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka(Warsaxaafadeed)

November 20, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012. 

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa in muddo ahba waday la tashiyo uu la sameynayey hay’adaha dastuuriga ah, iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo gaar ahaan saxiixayaashii Roadmap ka ee ku hawlanaa dhaqangelinta Roadmap ka. La tashiyo fara badan ka dib ayuu Ra’iisul Wasaarahu waxuu soo dhisay guddiga wadajirka ah.

 Guddiga Wadajirka ah waxuu ka koobanyahay Hay’adaha Dastuuriga ah, Puntland iyo Galmudug, Ahlu Sunna Wal-Jameeca (ASWJ), xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah iyo khubaro. Guddigan ayaa waajibaadkiisu yahay diyaarinta qaabkii lagu dhaqan geli lahaa dastuurka cusub wuxuu kaloo wadatashiyo uu la yeelan doonaa dhinacyada kala duwan, kana soo tala bixin doonaa qaabkii lagu sameyn lahaa dib u habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka dastuurka.

 Xubnaha Guddiga Wadajirka ah ayaa kala ah:-

 Cabdullaahi Axmed Calasow

 Maxamed Cali Nuur

 Salaad Axmed Caynte

 Cabdi Saciid Farax (Juxa)

 Cabdulqaadir Cabdi Xaashi

 Engineer. Axmed Shirwac

 Maxamed Diheeye Ismaaciil

 Siraad Xasan Cali Xirsi

 Cabdullaahi Cismaan Ducaale

 Cabdullaahi Xaaji Xasan

 Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen

 Raba’o Sheekh Nuur

 Maryan Aweys Jaamac

 Dr. Cali Nuur Axmed

 Engineer Sadik Mire Samantar

 Guddigan ayaa hawshooda si deg deg ah u billaabi doono, si ay u qabsadaan hawsha uu farayo “Roadmap-ka.

 –DHAMAAD –

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,769 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>