Dhagax dhiga Mashaariicda JPLG Sanadka 2011 Degmada Qardho

November 13, 2011 - Written by

Qardho:-Waxaa  si rasmi ah loo dhagax dhigay mashaariicda ay fulinayso Gardo Municipality oo ah mashaariicda horumarinta degaanka degmada Qardho ay maalingelinteeda iska kaa shadeen hay’addo isku tagay oo dhan 5 hay’adood Joint Program Local Government JPLG oo sanadkiiba u qorsheeya 4 degmo in ay ka faa’iideystaan degma kasta $100,000 USD, Degmada Qardho waxay ka mid tahay degmooyin ka faa’iideysanaya.

Hay’adda UNCDF ayaa sanadkaan 2011 ku soo biirtay barnaamijka horumarinta degmooyinka JPLG, hay’adaan oo dhinaca dhaqaale siinta mashaariicda si wanaagsan u maamuleysa dardarna gelinaysa sidii loogu guuelaysan lin ay helaan  adeegyo kala duwan  bulshada iyadoo dowlada hoose loo sii marinaayo, UNCDF waxay ballan qaaday in ay sanadka 2012 ay ballarin doonto lacagta loogu tala galay degmooyinka oo degma kastaba oo buuxisa nidaamka adeeg siinta bulshada iyo tan maamul ee leh la xisaabtan ay qaadan doonto $200,000 USD.

no images were found

Mashaariicdaan ayaa waxaa la soo mariyaa degmada iyadoo ku dabaqeysa nidaam loo tababaray oo ah sidaan:

  1. In bulshada la soo diyaariyo baahiyaha sanadka iyadoo loo xulayo kala siinta mudnaanta baahiyaha.
  2. In la sameeyo annual Planning and Budget.
  3. in la sameeyo kala xulashada baahiyaha iyadoo lagu marayo nidaamka ka faa’iideysiga dhinaca dhaqaalaha, degaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka qeybta ay ka qaadanayo project.
  4. habka Procrument-ga oo ah bandhigida mashaariicda.
  5. habka qiimeynta mashaariicda ay shirkada dhismaha u tartamayaan.
  6. heshiiyada ku guuleysiga mashaariicda si loo fuliyo.

Waxaan oo shaqo ah waxaa sameeya maamulka dowlada hoose degmada Qardho oo gacan ka siinayaan hay’adaha ku midoway JPLG

Mashaariicda sanadka 2011 maanta sida rasmiga ah loo dhagax dhigay ayaa kala ah:

  1. Rehabilitation Upper Hingod Gravel Road
  2. Rehabilitation Lower Hingod Gravel Road
  3. Construction Qoyacad Mini Market Shelter
  4. Construction Kaampo Primary School

halka ay kormeer buuxda ku sameyeen saraakiish ka socota hay’adda ILO Puntland Mashaariicdii sanadka 2010 ee kala ahaa sidaan

  1. Rehabilitation Hospital Gravel Road
  2. Construction Ga’an Libah Milk Market Shelter
  3. Construction Ga’an Libah Vegetable Market Shelter
  4. Construction Ga’an Libah Cloth Market Shelter
  5. Construction Wadajir New Market Shelter
  6. Construction Libow Health Post
  7. Construction Dhahan Health Post

Mahadsanid

Waeys Aidarus Gure

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online