Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo gobalka J/hoose

November 18, 2011 - Written by

Kismaayo:-Wararka saaka naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ay ka jirto xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee gacanta ka helaya ciidamada dowlada Kenya .

Ururka Al-Shabaab ayaa saaka ku soo xoojiyey Degmada Afmadow ciidamo hor leh waxaana ay sidoo kale difaac ka galeen Deegaanka Xayo iyo Kulbiyow.

Dhanka kale ciidamada Kenya ayaa saaka ku sii qulqulaya iyaga iyo ciidamada Ciidamada Raaskaambooni difaacyada hore ee Deegaanka Xayo oo ilaa 7 km u jirta Degmada Afmadow.

Afhayeenka Millitaryga Kenya Emanuel Chir Chir ayaa warbaahinta ka howlgasha dalka Kenya u sheegay saaka in ay kaabiga ku hayaan Degmada Afmadow .Dadweynaha ku dhaqan Deegaanka Taabto iyo Qooqaanii ayaa xaqiijiyey in ciidamo gurmad ah ay soo gaareen ciidamada Kenya ka dib markii khasaaro uu ka soo gaaray weerarda ay ku qaadeen ciidamada Al-Shabaab .

Gudoomiyaha  Ururka Alshabaab ee gobalada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in ay si fiiican u diyaar garoobeen ayna jabi doonaan ciidamada Kenya ee duulaanka ku ah gobalka J/hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa xiriiro kala duwan la sameeyey deegaanada Taabto ,Qooqaani ,iyo Dhoobley waxaana loo xaqiijiyey in Kenya ay ciidamo hor leh soo galisay gobalka J/hoose shalay ilaa saaka.

Cabdi Yare
Kismaayo.

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online