Diintu maaha Harag Sagaaro. W/Q: Maxamed Nuur Shire

November 4, 2011 - Written by

Hordhac:-Sida laga warqabo Sagaaradu waa Xayawaan aad u yar, marka la qalo ee Haragga laga saarana waa la qiyaasi karaa sida Haraggeedu u sii yaraanayo, haddii la damco in la cuno Sagaarada dad badan kuma fillla, haddii Haraggeeda la intifaacsadana wax badan mataro, sababtuna waa yaraantiisa, horaana Soomaalidu uga maahmaahday oo u tiri ” Harag Sagaaro iiga kac maahee iiga durug malaha”.

Diinta Islaamka ee ay Soomaalidu haysato, waa diin balaaran oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana  ay aad u sahashay in qofku Islaannimada ku soo geli karo si fudud, isla markaasna waxa ay aad u adkeysay sida looga baxo, balse waayadan dambe arintaasi waxa ay isu bedeshay si’ kale, waxaa soo baxay dadka qaar aan biyo u kabban inay dadka gaalnimo ku xukumaan, halka ayan macno badan la laheyn tiirarka ugu waaweyn ee Islaannimadu ku taagan tahay, haddii ay ku maagaana tuko ama soon adey kuu taalaa.

Dadka noocaas ah ee bulshada kula dhiirrada gaalnimada, waxa ay ficiladaasi gurracan u adeeg sadaan siyaabo kala duwan, iyadoo gaaleysiintu ay marna toos tahay oo si cad qofka ama bulshada loo gaaleysiinayo, marna ay tahay mid dadban oo marka macno ahaan la fiiriyo ay sidaasi noqoneyso.

Imisa ayaad akhriste maqashaa hebel, ama koox heblaayo waa ashahaado la dirir? mase ogtahay inay dadka qaar caadi u tahay inay yiraahdaan : hebel diinta ayuu neceb yahay:? mala socotaa in dadka qaarkood ee ay ishayaan qolyahan aan ka hadleyno ay ku yiraahdaan” hebel ama reer hebel waa cadow Illaahay” Ereyadaasi iyo kuwa kale oo la macno ahba waxa ay ku tusinayaan Gaalnimo, balse waxaa laga yaabaa marka la weydiiyo inay ka meertaan inay gaalnimo ula jeedaan, waxaana la arkaa inayan dareensaneyn culeyska waxa ay ku qowlayaan, balse aan sii soconee waxaanba Daah saarneyn iyadoo si cad oo ula kac ah Ajar looga doonayo in si fudud Gaalnimo loogu xukmiyo qof ama bulsho  Islaannimada ka muuqata ay caddahay, si fududna loo yiraahdo ” Murtad”.

Marka qofka noocaas ah ama dadka sidaas ugu degdegaya xukunka Gaaleysiinta, la weydiiyo inay caddeeyaan xukunka ay dadka Muslimka ah ku yareynayaan ama ay inta badan diinta uga saarayaan, waxa ay Jawaabtoodu noqotaa sidan:

“Mas’alada gaaleysiintu waa mid furan, qofkii ay kaaga muuqato wax diinta looga baxana, waad ku ijtihaadi kartaa, marka waa arin furan, in qofna lagu ceebeeyona ma haboona, aniga sidaas ayey ila tahay, adna aragtidaada ayaad leedahay, marka sheikh hebel ayaa sidaas qaba, wadaad hebelna qofkaas ama bulshadaas ayuu gaal ku sheegay, anna waan buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay qofka wax gaaleysiin kara, marka maxaa ceeb ah ee aan sameeyey” ereyadaasi waxa ay ka mid yihiin kuwa ay ku qowlaan dadka Muslmiintii ka dhigay kuwo aragti lagu gaaleysiiyo.

Qolyaha aan ka hadlayo ee arintan ku ibtileysan waxa ay ku tilmaaman yihiin dhowr arimood  waxayna kala yihiin:
Xanaaq siyaada ah
Fudeyd badan
Ixtiraam la’aan
Dulqaad la’aan
Aflagaaddo
Gacan-qaad
Arimahan kor ku taxan waxa ay ka mid yihiin tilmaamaha iiga muuqday qolyaha diintii Islaamka ka dhigay ” Harag Sagaaro iiga kac maahee iiga durug malaha” qofka qoraalkan akhrin doonana waxaan filayaa inuu kow iyo laba dhihi karo tilmaamo kale oo ka muuqda qolyahan gaalnimada kula degdega ciddii sida ay wax u arkaan ka hortimaadda.

Axkaamta ka dhalaneysa gaalnimada lala haliilayo

1- In qofka la dili karo oo dhiiggiisu xalaal yahay
2- In qofka aan gabar muslimad ah loo guurin karin
3- Inay ka furmeyso gabadha Muslimadda ah haddii uu horay u qabay
4 Inaan lagu tukan karin Salaadda Meydka haddii uu qofkaasi dhinto
5-Inaan lagu aasi karin dhulka Muslimiinta lagu aaso
6-Inaan la dhaxli karin xoolihiisa
Arimahaasi iyo kuwa kale oo aan ka tagayba, waxa ay yihiin axkaamta lagula dhaqmayo qofka gaalka ah, waxaana jirta in qofkaasi uu cadaab mudan yahay marka la tago aakhiro, walow arinta aakhiro ay Illaahay u taalo, haddana qofka Gaalka ah waxaa diintu ku sheegtay mid cadaabta ku waaraya.
Diinta Islaamka waa diin balaaran, Illaahayna ugu talagalay inay jirto tan iyo inta adduunku ka gabagaboobayo, waxaana loogu talagalay in dadka la gaarsiiyo, si fudud oo ximad ku jirtana loogu sharraxo, si leysugu dayo in dadka laga badbaadiyo Cadaabta, Illaah ayaa wax badbaadin karee.

Qeyba badan ayey diinta Islaamka ka kooban tahay, iyadoo qof walba Illaahay wax u fududeeyey. Tusaale ahaan, qof ayaa waxaa llaahay u sahlay inuu salaadda badiyo, qof kalena waxaa loo fududeeyey wax bixinta, mid kale ayaa ku dadaala Soonka, waxaana jirta in dadka qaar Illaahay wax fudud uga dhigay inay bulshada u adeegaan. Dhammaan ficiladaasi waxaa lagu ammaanay diinta Islaamka.
Tusaalayaal kale: Asaxaabadii Rasuulka (SCW) Illaahay haka raali noqdee waxa ay ku kala sareeyeen ficilada qaarkood, waxaana uga marag kacay Nabi Muxamed NNKH.

1-Abuu Bakar Sidiiq oo ahaa saxaabigii ugu dhawaa Rasuulka waxa lagu sheegay midka umadda ugu naxariista badan
2-Cumar Binu Khadaab wuxuu ahaa mid xaqqa heli og ama asiibid badan

3-Cismaan Binu Cafaan wuxuu ahaa mid aad u xishood badan

4-Abuu Cubeyda wuxuu ahaa Aaminkii Umadda

Tilmaahaas iyo kuwa kale oo Rasuulku si gaar ah ugu sheegay saxaabadiisa qaar ka mid ah, waxa ay ku tusineysaa in ay caadi tahay in takhasus gaar ah qofi la dheeraan karo bulshada inteeda kale, macnuhuna uusan noqoneyn in meelaha kale uu ku liito ama uuba ka maran yahay.

4 ta Saxaabi ee aan tusaalayaasha ka soo qaatay mid walba wuu lahaa tilmaamaha kale ee saaxibadii leeyihiin, laakiin qof walba wax ayaa Illaahay u sahlay, waxayna arimahaani ka marag-kacayaan sida Diinta Islaamku waasica u tahay oo ayan u aheyn “Harag Sagaaro iiga kac maahee iiga durug malaha”.

Ila dhugo labadan tusaale: Wiil ka mid ah dhalinyarada lagu ibtileeyey gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah ayaa waxa uu gaal ku sheegay sheikha Xaafidul Qur’aanka ah ee tujiya masaajidka Xaramka, Sheikh C/raxmaan Sudeysi, waxa uu wiilkaasi u cuskaday gaaleysiinta Sheikha in Sheikh C/raxmaan Sudeysi uu u duceeyey Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan Musharaf, sida uu wiilkaas ku doodayo, akhristoow mala yaabtaya waxa dadka Muslimiinta ah lagu gaaleysiinayo, halkaas iyo meelo ka sii daran ayey marayaan qaar ka mid ah dhalinteena, weliba waxa ay sheegayaan inay Illaahay ugu dhawaanayaan.

Mid kale oo oday ah ayaa isna wuxuu gaal ku sheegay mid ka mid ah ragga wax qora, wuxuu u cuskaday inuu ninkaas gaal ku sheego, in Muslimiinta oo wax laga sheego ay gaalnimo tahay, ninkaasina uu qoraal wax uga sheegay  koox uu midka wax gaaleysiinaya aad ula dhacsan yahay oo uu u yaqaano inay kaligeed Muslim tahay, ciddii iyada wax ka sheegtana ay la mid tahay cid ka hortimid xaqii uu la yimid Nabi Muxamed NNKH.

Haddii aad timaaddo meelaha ay kooxaha noocaas u fekera ay isku uruursadaan waxaad maqleysaa wax aad la cajabto, sida loo gaaleysiinayao shaqsiyaadka, kooxaha isdiiddan iyo qabiilada Soomaaliyeed na ma ahan wax aan qoraal ku fahan siin karo qof aan la kulmin kooxahaas diintii Islaamka ka dhigay mid looga baxo aragti leysku khilaafo.
Fiiro gaar ah: qoraalkeyga waxaan ula jeedaa cidda leh tilmaamaha aan soo qeexay, ciddii iska hesha cudurka aan tooshka ku ifinayo ha iska daaweyso inta ayan xanaaqin, qofkii ama kooxdii aanan laheyn tilmaahanna iyaga qorlaakeyga ulama jeedo, waxaa kale oo mudan in la xuso, tilmaamaha aan ka hadlayo waa ay jiraan oo qaar ka mid ah dadka ku hadla luuqadda Soomaaliga ayaan ku arkay ee maaha waxa aan sheegayo wax aan meelo kale kala imid.

Qormadii Harag sagaaro iiga kac maahee iiga durug malaha halkaan ayaan ku soo afmeerayaa.

W/Q:  Maxamed Nuur Shire
boqor3@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,768 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>