Dina Mufti Jimacaha ayaan go,aan ka gaari doonaa codsiga Midowga Afrika

November 21, 2011 - Written by

AdisAbaba:-Dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday goorta ay go,aan ka gaareyso in ay qaadato magaca AMISOM ayna ka qeyb qaadato duulaanka lagu qaadayo gobalada Koofureed oo ay haatan  gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab .

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya Dina Mufti  oo wareysi siiyey wakaalada wararka ee Reuters  ayaa sheegay maalinta jimcaha ah in dowladiisa ay go,aan kama danbeys ah ka qaadan doonto codsiga uga yimid Ururka Midowga Afrika.

Ciidamada Itoobiya ayaa haatan ku sugan gobalada Dhexe iyo Hiiraan waxaan sidoo kale ay soo buuxdhaafsheen xaduudaha kale oo ay la wadaagaan dalka Soomaaliya.

Mar ay wakaalada wararka ee  Reuters  ay wax ka weydiisay Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Dina Mufti  in ciidamadooda ay soo galeen dalka Soomaaliya ayuu waxaa uu inkiraad cad ku jiiday in ay soo galeen  gudaha Soomaaliya.

Maalinta Jimcaha ah ee nagu soo aadan ayaa waxaa ku kulmi doona magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Itoobiya madaxda wadamada Geeska Afrika waxaana looga hadli doonaa laba ajando oo kala ah amaanka dalka Soomaaliya  iyo in ciidamada Itoobiya iyo Kenya la siiyo magaca AMISOM.

Dhanka kale waxaa maalinta birito ah gaari doona magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Itoobiya gudoomiya baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sh Aden iyo wafdi uu horkacyo waxaana wafdigaas ay u badan yihiin xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda Bay iyo Bakool waxaana ay kulan la qaadan doonaan  Ra iisalwasaaraha Ethiopia Melas Zanawi

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa Maamul gobaleed loo sameyn doono dadweynaha  Bay iyo Bakool waxaana arintaas ka danbeysa dowlada Itoobiya iyo Kenya iyaga oo doonaya in ay furin dagaal oo cusub ka furtaan gobalada Bay iyo Bakool.

Halkan ka Akhriso qoraalka ay  Reuters  oo English ah

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online