Diyaaradaha dalka Kenya oo duqeeyey degaano ka tirsan Gobolka Gedo

November 22, 2011 - Written by

Gedo:-Waxaa maanta ay diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay weerar dhinaca cirka ah ay ku qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo, ciidanka cirka dalka Kenya ayaa waxaa ay weerarka qaawan ay la beeg sadeen degaanka Yaaqle waxaan ay wax yeelo u geysteen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Ceel biyaado ay ka waraabinayeen Xoolahooda.

Diyaaradaha dalka Kenya ayaa waxaa ay ku rideen Ceel biyaadka ilaa 7  Madfac iyadoo goobat ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahooda waxaan soo gaaray khasaaro iskugu jira dhimasho  iyo dhaawac. Dowllada dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in ay qabsan doonaa magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose  iyagoo ku doodaya in ay dagaal kula jiraan ciidanka ururka Al-shabaab oo ka taliya inta badan Koonfurta dalka Soomaaliya .

Ma ah markii ugu horaytsay oo ay ciidanka cirka ee dalka Kenya ay bartilmaamsadaan degaano ka tirsan Gobollka Gedo iyo Jubada Hoose, ciidanka dalka Kenya iyo ciidamo Soomaali ah ayaa waxaa ay ilaa hadda qabsadeen degaano dhowr ah oo ka tirsan Jubada Hoose  degaanadaas oo ay marar badan ay ka dhaceen dagaalo ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab ay ku soo qaadeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ahna uu soo gaaray ciidanka dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online