Dowllada Kenya oo codsi Miletari ka dalbatay Israel

November 14, 2011 - Written by

Nairobi:-Ra.iisul wasaraha dowllada Kenya Raila Odinga ayaa waxaa uu codsi u dirsaday shuftada Israel si ay gacan uga siiyaan dagaal ka ay ciidanka Kenya ka wadaan gobalka J/hoose.

Ra.iisul wasaaraha dowllada Kenya, Raila Odinga ayaa waxaa uu ka codsaday dowllada Kenya in ciidanka dalka Kenya ay ka taageeraan tababarka dhinac ciidanka  ,Sirdoonka iyo qaabka  looga hortago qaraxyada iyo dilalka qorshaysan.

Dowllada Kenya ayaa war-saxaafadeed ay u qaybiyeen maanta saxaafada dalka Kenya ayaa waxaa ku qornaa in dowllada Kenya ay codsi dhinac ciidanka ah ay ka codsatay Israel iyadoo codsigaasa ay gaarsiiyeen xafiiska Madaxweynaha Yuhuudda Shimon Peres .

ilaa iyo intii ay ciidanka dowllada  Kenya ay ku soo xadgudbeen xadka Soomaaliya ayaa waxaa ay codsiyo kale duwan ay u dir sadeen dalalka IGAD iyo EU si ay uga caawiyaan dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab oo  iyagu gacanta ku haya Gobollada Jubooyinka inta badan.

Codsiga ay dowllada Kenya u dirsadeen Israel ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaal dhowr ah ay ka dhaceen degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Gobollada Jubooyinka iyadoo dagaaladaas ay ciidanka dalka Kenya ay ka soo gaáreen khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

C/casiis Axmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online