Dowllada Kenya oo ka hadashay dagaal shalay ka dhacay duleedka Ceel-waaq

November 13, 2011 - Written by

Nairobi:-dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay dagaal dhexmaray ciidankooda iyo kuwa  al-shabaab dagaalkaas oo shalay ka dhacay duleedka degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, dagaalka ayaa waxaa khasaaro lagu gaarsiiyey ciidanka Kenya , Dowllada Kenya ayaa shaacisay in dagaalkii shalay ay uga dhaawacmeen ilaa 4 askari iyadoo mid ka mid ah askartooda uu qabo dhaawac culus.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Major Emmanuel Chirchir ayaa xaqiijiyey in askartooda uu khasaaro
gaaray uu yahay ilaa 4 askari isagoo ku dooday in ciidanka dalka kenya ay dileen ilaa 9 askari oo ka tirsan ciidanka ururka al-shabaab qaar kalena ay dhaawaceen.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Major Emmanuel Chirchir ayaa  hadalkiisa waxaa uu ku soo beegmayaa xili saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab ay sheegeen in ay khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka  Kenya oo ay dagaal kula galeen duleedka degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo.

Dowllada Kenya ayaa ilaa intii ay soo gashay xadka dalka Soomaaliya waxaa ay dagaalo goosgoos ah ku qaaday ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab kuwaas oo sheegay in khasaaro kale duwan ay gaarsiiyeen ciidanka Kenya ,ciidanka kenya ayaa dhowr jeer weeraro cirka ah ka fuliyey degaano ka tirsan Gobollada Jubooyinka, duqyentaas oo khasaaro kale duwan ay ka soo gaartay dad rayid ah.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online