Ergeyga gaarka ee dowllada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo gaaray Garoowe

November 19, 2011 - Written by

Garoowe ,19 Nofembar 2011,Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Dowladda USA Danjire James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Danjire Swan oo ay safarkaan ku wehliyeen sarakiil ka tirsan Safaarada USA ee dalkaKenyaiyo sarakiisha Hey’adda USAID ayaa waxaa madaarka Garowe kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta Dowladda Puntland oo ay horkacayeen Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa iyo Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xaashi.

 Wafdiga SafiirkaUSAayaa loo soo galbiyey Madaxtooyadda Dowladda Puntland, halkaasoo uu Danjire Swan wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire. Arrimihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: hirgalinta heshiiskii “Roadmap” iyo horumarinta nabadeyntaSomalia; doorka iyo waxqabadka IGAD iyo Midowga Afrika (African Union) kaga aadan xasilintaSomalia; arrimaha ladagaalanka burcad-badeedka; siyaasadda DowladdaUSAee “Dual Track policy”; iyo taageerida mashaariicda bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed ee DowladdaUSAka taageerto Puntland.

no images were found

Wafdigii Danjire Swan ayaa ka kulmay Ganacsatada Puntland kana socday shirkadaha ku howlan qeybaha ganacsiga sida dhoofinta xoolaha, telefanada (telcom), tamarta (energy), xawaaladaha, caafimaadka, iyo adeega bulshada. Waa safarkii ugu  horeeyey uu gudahaSomaliakusoo gaaro Danjire Swan tan iyo markii loo magacaabay Wakiilka gaarka ah ee arrimahaSomalia, bishii Agosto 2011. 

Madaxweynaha Puntland iyo DanjirahaUSAayaa shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay gudaha Madaxtooyadda kadibna Wafdigii Danjiraha ayaa dib ugu duulay magaaladaNairobi.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online