Gal-Mudug oo iska fogeysay eedayn ay u jeediyeen Puntlland

November 23, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Afhayeenka u hadlay Maamulka Gal-mudug oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Xassan Baasto ayaa iska fogeeyey eedeyn kaga timid Puntlland isagoo sheegay in Gal-Mudug aysan wax colaad ah ka wadin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.  Afhayeenka  ayaa waxaa uu ku tilmaamay eedaybta kaga timid Puntlland mid riyo ah isagoo sheegay dhibta ka jirta Gaalkacyo in ay ku egtahay Xaafadaha uu ka taliyo maamulka Puntlland.

Afhayeenka Gal-Mudug  Axmed Maxamuud Xassan Baasto  ayaa ku sheegay wareegtada ka soo baxday Puntlland mid abuuraysa colaad ka dhex dhacda shacabka wada degan Gaalkacyo  wixii arrinkaas ka yimaadana ay masuuliyadooda ay qaadayaan madaxda Puntlland
bilo ka hor ayaa waxaa magaalada Muqdisho hishiis ku wada gaaray Madaxweynaha Puntlland iyo kan Gal-Mudug waxaa ay isku raaceen in ay ka wada shaqeeyaan ama iska kaashadaan dhibaatada amaan daro ee ka jirta Gaalkacyo arrintaas oo aan wax ka hirgalay aysan jirin.

Afhayeenka Gal-Mudug  Axmed Maxamuud Xassan Baasto ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedaynta loo jeediyey Gal-Mudug
isagoo xusay in qaab maamul wax lag xaliyo haddii khilaaf ama dhib dhacdo basle colaad iyo dhibaato ka jirta Puntlland aan lagu eedayn maamulkooda.

Hadalka Afhayeenka Gal-Mudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta warsaxaafdeed ka soo baxay Puntlland eeda dusha looga tuuray Gal-Mudug iyadoo lagu eedeeyey in dilalka iyo dhibaatad ka dhacda Waqooyiga Gaalkacyo ay ka danbeeyaan maleeshiyaad ka soo jeeda Gal-Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online