Dowllada Puntlland oo eedayn u soo jeedisay Gal-mudug.(Warsaxaafadeed)

November 23, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Maamul gobaleedka Puntland ayaa saaka warsaxaafadeed ka soo saartay amni darada magaalada Gaalkacyo iyo weerar lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo oo ay shalay hub isku weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo koox aan la aqoon oo ka yimid Koonfurta magaalada Gaalkacyo .

Warsaxaafadeedka ayaa nuqul ka mid ah waxaa uu soo gaaray Halgan.net waxaana uu u qornaa sidan.

WAR SAXAAFADEED
23 November 2011

Dowladda Puntland ayaa ka digaysa weerarada hubaysan ee ka socda magaalada Galkacyo, iyadoo bartilmaadeed laga dhiganayo bulshada rayidka ah, mas’uuliyiinta Dowladda, shaqaalaha hey’adaha samafalka, iyadoo kooxo hubaysan degen-na xaafada Galmudug ee magaalada Galkacyo ay khal-khalgaliyeen diyaaradaha Qaramada Midoobay (UN-ka).

Dhacdooyinka hoos ku xusan ayaa muujinaya dhacdooyinka amni-darro oo isa-soo taraya:

  • 6 November 2011 – Baabur ganacsi oo Puntland laga leeyahay ayaa lagu afduubtay Galkacyo iyadoo weli ay kooxo hubaysan baabuurkaasi ku haystaan gudaha xaafada Galmudug;

  • 8 November 2011 – Baabuur labaad oo Puntland laga leeyahay ayaa la afduubtay waxayna kooxo hubaysan baabuurkaas weli ku haystaan gudaha xaafada Galmudug ee magaalada Galkacyo;

  • 16 November 2011 – Qof shacab ah oo Reer Puntland ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Galkacyo isagoo wadada maraya;

  • 18 November 2011 – Mas’uul u shaqaynayay hey’adda samafalka ee Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo;

  • 20 November 2011 – Sadax qof oo shacab ah ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday baabuur ganacsi;

  • 21 November 2011 – Madaarka Galkacyo ayaa la duqeeyey;

  • 22 November 2011 – Mas’uul Reer Puntland ah ayaa lagu dilay agagaarka xaafada Galmudug iyadoo dambiileyaasha ay u baxsadeen dhanka Galmudug;

  • 22 November 2011 – Madaarka Galkacyo ayaa mar labaad la weeraray, iyadoo la carqaladeeyey howlaha dayuuradaha shacabka iyo dayuuradaha UN-ka ee howlaha samafalka;

Weeraradaan isxigay ayaa laga soo abaabulay xaafada Galmudug ee koonfurta magaalada Galkacyo. Dowladda Puntland ayaan marnaba u dulqaadan karin weerarada lagu hayo shacabka, hey’adaha samafalka, howlaha ganacsiga ama madaarka magaalada Galkacyo.

Dowladda Puntland ayaa shacabka ugu baaqaysa in loo midoobo meelna looga soo wadajeesto kooxaha lid ku ah nabada, amaanka iyo xasiloonidda deegamada Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ogaysiinaysa Beesha Caalamka weerarada lagu hayo Puntland lagana soo abaabulayo xaafada Galmudug. Dowladda Puntland waxaa waajib Dastuuri ah ka saaran yahay inay Dadka iyo Dalkaba ka difaacdo cid kasta oo khal-khalka galinaysa amaanka.

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: info@puntland-gov.net
Web: www.puntland-gov.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online