Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xassan oo Muqdisho ku soo laabtay

November 27, 2011 - Written by

Axad, November 27, 2011 Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xassan Shiikh.Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isagoo maalmihii la soo dhaafat safar ku joogay magaalada Adis -Abba ee xarunta dalka Itoobiya. Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafada kuala hadlay gudaha garoonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarkii ay ku tageen dalka Itoobiya uu ugu soo dhamaaday guul isagoo xusay in uu rajaynayo in dalka iyo dadka Soomaaliyeed  ay ku talaabsan doonaa horumar iyo guul.

Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh.Aadan ayaa sidoo kale cadeeyey in cid walba oo la dagaalmaysa Al-shabaab ay soo dhaweynayaan si dalka uu u hello nabad waa sida uu hadalka u dhigaye, Masuuliyiinta ugu saraysa DFKM ayaa dowlladaha Itoobiya iyo Kenya u saxiixeen in ay soo galaan  gudaha dalka Soomaaliya si ay u qabsadaan Gobollada ay ka taliyaan ururka Al-shabaab arrintaas oo ay abaabul xooggan u galeen soona.

Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxaweynaha DFKM Sh Shariif ayaa lagu xasuustaa 2006 in ay aad uga soo horjeedeen in ciidamo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya iyo dalalka kaleba ay soo galaan Soomaaliya iyagoo ku doodi jiray in arrimaha ka taagan Soomaaliya taladeeda loo daayo Soomaalida oo kaliya arrinkaas oo maanta muuqata in ay ka mowqif duwan yihiin.

A/cawaale
Halgan.net.

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online