Guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan Cabdullahi Rooble oo la sii daayey

November 21, 2011 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan Cabdullahi Maxamed Rooble ayaa maanta waxaa laga sii daayey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu cafis u fidiyey madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed

Gudoomiyaha ayaa waxaa ay maxkamada DFKM ku xukuntay 10sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay in uu dhacay gargaar cunto oo loogu talo galay dadka ku soo barakacay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa uu cafis u fidiyey shalay  ilaa 74 maxaabiis ah oo ku xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho dadkaas oo lagu soo eedeeyey danbiyo kala duwan.

Waxaa saaka sidoo kale xabsiga dhexe ee DFKM laga sii daayey Gudooomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab kaas oo lagu eedeeyey in uu dhacay gargaar ay lahaayeen dadka ku soo barakacay Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc. Dhamaaantiin. waagii beryaaba waayo leh.
    Dembiilayaal Dawlada u keennay ceeb iyo fadeexo
    oo Cafis loo fidiyey. Cafisku waxuu u muuqdaa mid
    jeedo leh oo la rabo inuu sii socdo boobka
    iyo dhaca. balse ka waran haddii kana wax cafiyey loo haysto
    hanti qaran oo ah malaayiin dolars ah. sida eey sheegtay
    Dawlada Mareekanku. Hor baa loo yiri Soomaali musuqmaasaq
    waa meherdeedii eh. Rugtii waxeey ahayd in labada Gudoomiye
    lagu waano qaato oo jeelka loo da,aayo ilaa mudo shan sano ah
    markaas la eego xaaladoodu sida eey noqto.
    Arrintani waxeey horseedi doontaa Boobka oo sii kordha.
    hase yeeshee dee meeshu waa barmuuda iyo wax la mid ah.
    Sutigaashaan.

  2. waana nasiib daro weyn in maanta tuug iyo gacan ku dhiig layaal a cafis loo fidiyo sh shariif intaasi waa ku yar tahay maxaa yeelay waa nin diinta iyo dalka ay kaga weyn tahay danta qabiilkiisa hadan ilaahay dad dhaama dalkan udhiibin wallee degma degmaa loo gadayaa aragaane

  3. waxaaa yaab leh maxay ka walax tahay cafiskaan uu madaxweynuhu bixiyey gaar ahaan nimankaan xoolaha umada boobey gaar ahaan dad barakacayal oo looma ooyaan ah marka sida la arki ama ay tahay waa in ay munasabad jirto uu madaxweynuhu ku aadiyo cafiska maxaabiista oo welibana ma ahayn in in uu cafis u fidiyo dadka dambiyada waaweyn galey welibana nimankaan waxba maba xirneyn waxana cadeyneysaa in meesha xamar ah aaney ka jirin mamul cadalad ku shaqeynaya umana maleynayo in laga sugayo hada & wax u dhow…………….

Leave a comment

*