Hotel Barakaat oo loo calaamadiyey dhismayaasha laga duminayo xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

November 24, 2011 - Written by

Nairobi:-Hotel Barakaat oo ka mid ah hotelada ugu quruxda badan xaafadda Islii, kuna yaala waddada 12-aad ee xaafadda Islii, ayaa waxaa lagu daray dhismayaasha la calaamadiyey, kuwaasoo la sheegay in la duminayo.

Barakaat Hotel ayaa waxa lagu maagay inuu ku dhow yahay garoonka diyaaradaha ee ciidanka, kaasoo dhismayaasha u dhow la duminayo, iyadoo maamulka hotel ka ay sheegeen in qiyaastii la sheegay in la duminayo uu hotel ku ka fog yahay.

” Sidan xaq ma ahan, nalama siinin ogeysiis, kaliya waa yimaadeen waxayna calaamadiyeen dhismaha hotel ka, waxaan ka akhriyey warbaahinta in  arintani ay saameyneyso dhismayaasha 50 ka mitir u jira garoonka,  hotel keenu 400 oo mitir in ku dhow buu ka fog yahay garoonka” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Farhaan Sheikh oo ah Manager ka hotel ka.

Hotel Barakaat ayaa waxa inta badan dega xildhibaanada FKMG Soomaaliya, waxaana jirta in duminta dhismayaasha la calaamadiyey ay socoto, taasoo dad badan oo Soomaaliyeed dhigeysa hoy la’aan.

Burburinta qaar ka mid ah dhismayaasha xaafadda Islii ayaa waxaa loo aaneynayaa ammaanka garoonka dartiis,  waxaana tani ay imaaneysaa  ka dib markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya, waxaana jirta in Soomaalida ku nool Kenya ay goor horeba saameyn xoog leh ku yeelatay galitaanka ciidanka Kenya ee dalka Soomaaliya.

Halgan.net
Nairobi

2 Comments so far

Leave a comment

  1. as w w, marka hore waan ka xumahay dadka hantidooda laga duminayo, waayo waa dad soomaaliyeed oo walaalahay ah, mana jecli in khasaaro soo gaarto lagana burburiyo hanti ay mudo dheer ku soo dhimanayeen, dhanka kalese tani waxay tusaale u tahay maamhaadii ahay dhul aadan lahayn dhiilo ku joog, lagaana saari karo wakhti uun, waxay kaloo tani xusuusineysaa dadka soomaaliyeed ee wadankooda lagu direy iney wadankooda maalgashadaan jeclaadaana, maxaa inoo diidey ineynu maskaxda ka shaqeysiino oo tuulooyinkeena quruxsano, si ubadkeenuna inooga dhaxlaan wadan jacaylka, waxaan kuu gabagabeynayaa soomaliyey dib u fekera oo wadankiina dhista nabadana ka shaqeeya si horumar loo gaaro oo aynu dhul shisheeye ugu baahan. wcwrwb

  2. markii horaba waxaad dhisateen meel aan gurigiina ahayn ee haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo waana lama huraane ee hagarli wax ugu qabo. tani waxay hor istaagaysaa guriga beenta ah eelaga dhisanayo wadamada shisheeye, roonaana rabaa og.

Leave a comment

*