Jaamacadda Bariga Soomaaliya ESU oo lagu qabtay kulan lagu taageerayo Nabada(Masawiro)

November 21, 2011 - Written by

Qardho:-Kulan balaaran oo looga hadalyo guud ahaan Amniga Puntland , gaar ahaan kan Gobolka Karkaar ayaa lagu qabtay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Magaaladda Qardho, kaas oo ay soo agaasimeen Maamul ka iyo Ardayda Jaamacadda. Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii  hore ee Puntland  Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor , Nabadoono,Ardayda Wax ka barta Jaamacadda iyo weliba qaar ka mid ah Qurba joogta Puntland.

Ugu horeyn waxaa hadal kooban ka jeediyey Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda Bariga Soomaaliya oo sheegay in muhiim ay u tahay jaamacadda iyo weliba shacabka Qardho in si wada jir ah uga wada shaqeeyaan  amniga . Kulankan  oo ay ka hadleen masuuliin aad  u tiro badan, waxa ay dhammaantood ku dheeraadeen sidii muhiimadda loo siin lahaa Amniga.

Prof. Axmed Maxamed Barre Hormuudka Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa isaga  qudbad qiime leh oo uu ka jeediyey shirka sheegay in  Jaamacadda ay soo agaasintay kulankan  isla markaana looga  gol leeyahay in Waxbarsho la,aan aysan dhicin.  Hadii xabad iyo dagaal yimaadaan, ogaadda ma jirayso  waxbarsho iyo nolol kale toona, dadka oo dhan waxaa marka hore laga rabaa in ay Amniga ka shaqeeyaan,oo ay isaga fogaadaan wax walba oo amniga waxa u dhimaya. Ayuu yiri Prof. Axmed Barre.

Gen. Cadde Muuse Xirsi madaxweyihii hore ee Puntland, haddana ah Masuul  u ololeeya nabadda ayaa hadal dheer oo uu kulanka ka jeediyey sheegay in Amniga Puntland, gaar ahaan Qardho uu yahay mid wanaagsan loogana baahan yahay dadka in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga. Cadde Muuse ayaa sheegay in Gobolka ay ka dhaceen dhibaatooyin badan, kuwaas oo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysteen in si nabad ah lagu dhameeyo , isla markaana dadka ay ka wada shaqeeyaan amniga.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ku hadlay magaca ardayda  jaamacadda Bariga Somaliya ayaa sheegay in amniga oo muhiimad gaar ah u leeyahay, waxa oo tilmaamay in ay haboontahay sidii looga shageyn lahaa amniga  si wax barashada ay u gaarto horumar.  Xassan Maxamed Ciise (Xasan Biinge) oo ka tirsan Ururka Qurba joogta Puntland  (Punt land Diaspora Forum) oo isaga hadal ka jeediyey Kulanka Nabadda ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay in amniga laga wada shaqeeyo, isaga oo dhanka kalena muujiyey in ay Qurba joogta markaan xooga saarayaan in ay  dalka waxa u qabtaan gaar ahaan Qardho.

Burhan Boqor Muuse oo ka mid ah dadkii kulanka ka hadalay ayaa isaga waxa uu mahadcelin u jeediyey Jaamacadda, isaga oo xusay in Jaamacadda looga baahan yahay in si wada jir ah waxa loogu qabto , isaga oo sidoo kalena sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu Amniga Dalka ka shaqeeyo.  Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid ay si gaar ah ay u soo agaasimeen maamulka Jaamacadda iyo ardayda  waxa ka barta, kaas oo muhiimadiisa ay aheyd sidii Amniga looga wada shaqeyn lahaa.

Mudooyinkii ugu dambaysay waxaa Gobolka Karkaar ka dhacay falal amniga lid ku ah, iyadda oo sidoo kale Magaaladda Qardho ay ka dhaceen falal caynkaas oo kale ah, kuwaas  aan weli xal muuqda laga gaarin.

Abdiweli Gooni
gooni@hotmail.co.uk
 Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online