Jaamacadda Bariga Soomaaliya oo Afur xalay u sameysay Waxgaradka degaanka Qardho(Sawiro)

November 6, 2011 - Written by

Qardho:-Jaamacadda bariga Soomaaliya ee Qardho ayaa Afur xalay u  sameaysay qaar ka mid ah waxgaradka degaanka, taas oo qeyb ka ah taageeradda Jaamacadda ay inta badan ka geysto degaanka Qardho.

Munaasibadda Afurka maalinta 9aad ee Bisha barakeysan sharafta ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan maamulka Puntland,Odayaal iyo Aqoonyahano degaanka ah kuwaas oo qaarkood ka hadlay Qiimaha afur  shara ftaan u leedahay in ay ka soo qeyb galaan.

no images were found

Cali Maxamed Cali Hurre maamulaha Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Umadda Soomaaliyeed meel walba oo joogaan munaasibadda Ciida barakaysan , isaga oo Alle uga baryay in uu nabad iyo barwaaqo gaarsiiyo dhibtana ka saaro Umadda Soomaaliyeed.
Liibaan Cabdulaahi Dani oo ka mid ah Aqoonyahanadda degaanka Qardho ayaa munaasibadda ka sheegay in Jaamacadda ay codsi u derayso Jaaliyaddaha dibadda iyo weliba Umadda Soomaaliyeed ee Waxbarshadda taageerta in ay Jaamacadda gacan siiyaan.

” Runtii Jaaliyadda u dhaltay Qardho, waxa ay taageeraan wixii amaanka iyo sharafta dadka wax u dhimaya, laakiin waxaa wax lala yaabo ah in ay diidan yihiin in ay bixiyaan dhaqaale yar oo Jaamacadda Bariga Soomaaliya leedahay oo ay hayaan, taasina waa mid nasiib daro ah waayo dadkani waxa uu u baahan yahay wax tar ee uma baahna dhib iyo kala fogeyn”.
ayuu yiri Liibaan Cabdulaahi Dani.

Intaas ka dib ayaa waxaa sidoo kale halkaas hadalo ka jeediyay Masuulyiin ka tirsan maamulka degaanka oo iyaggana wax aad u farax leh ku tilmaamay tilaabadda iyo horumarka ay gaartay Jaamacadda.

Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa kaalin weyn kaga jirta xagga waxbarshadda degaanka, iyadda oo ah Jaamacadda keliya ee Qardho ku taal taas oo aan taageero ka helin jaaliyadaha dibadda ee u dhashay Qardho.

Cabdiweli Gooni
gooni@hotmail.co.uk
Qardho-Somaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online