Kitaabkii Rowdatul Anwaar ee uu Akhriyey Shiikh Xassan Bookh (Dhagayso)

November 20, 2011 - Written by

Qardho:-Shiikh Xassan Maxamed Muuse Bookh oo ah Shiikh magaalad Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa uu duruus kale duwan ka bixiyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalad Qardho, Sh.Xassan Maxamed Muuse Bookh ayaa waxaa uu akhriyey duruus badan  balse Shabakadda wararka Halgan .net ayaa waxaa soo gaaray 2-da kitaab oo uu shiikhu duubay waxayna kala yihiin Axaadiith fil fitan wal-xawaadith ee Shiikh Ibnu Taymiyaha iyo Rowdatul Anwaar  oo ah Kitaab Siiro ah oo qoray Shiikh  Safiyi Raxmaan Al-mubaarka Alfuuri Allah u naxariistee.

Shabakada wararka Halgan.net ayaa  soo galin doonta casharada dhiman kitaabka maalmaha soo socda hadii alle idmo ee ka faaiidaysi wacan, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Howl wadeenada Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab  ee magaalada Qardho oo iyagu dadaal ku bixiyey in darsigaan úu na soo gaaro

Halkaan riix si aad  u dhagaysto qayb ka mid ah casharada Kitaabka Rowdatul Anwaar ee uu Akhriyey Sh Xassan Bookh

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. maashaa allaah waad mahadsantihiin halgen.net kitaabka kalena ee kitaabu axaadiithu filfitan isagana waa muhiim soo daaya waa kitaabka uu alifey sh.muxamed cabdiwahaab alle ha u naxariistee.

  2. Waxaan codsanayaa in casharada sh. Xasan Bookh aan helo

Leave a comment

*