Ku-simaha R/Wasaaraha DFKM oo baaq u diray hay’addaha gargaarka

November 8, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Mudane Aadan C/llaahi Aadan ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho isagoo u kuurgalay Raashinka gargaarka ah ee la keenayo Dekedda iyo habsami u socodkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisan ka bilaabay Xafiisyada Wasiirka iyo maareyeyaasha Dekedda halkaasoo ay warbixino ku siiyeen, wuxuuna dhankiisa u faah faahiyay socdaalkiisa uu ugu kuurgalayo habsami u socodka howlaha gargaarka ee soo gaaraya magaalada Muqdisho kuwaasoo ka imaanaya dalalka Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo kormeer bakhaarada dekedda oo ay ku jiraan mucaawinooyin ka kala yimid dalal fara badan oo ay ka mid ahaayeen Turki, Imaaraadka Carabta, Iiraan, Japan iyo China kuwaasoo qaarkood loo daabulayo gobolada dalka, sida ay noo sheegeen maamulka dekedda.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah gudaha bakhaarada Dekedda wuxuuna ka codsaday hay’addaha gargaarku inay dardargeliyaan bixinta mucaawinooyinka maadaama lagu guda jiro maalmaha ciida, isagoo dhanka kalena ganacsatada ka codsaday inay u dhimriyaan dadka taagta daran oo ay maciishada raqiisiyaan.

Ugu dambeyntiina Ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey inay ciidan ciideedaada ku gaaraan Nabad, Barwaaqo iyo Horumar.-

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online