Maamulka Puntland oo Somaliland ku eedaysay hurinta Colaada Ceerigaabo.

November 9, 2011 - Written by

Garoowe:-War-saxafadeedka ka soo baxay xarunta  madaxtooyada ee magaalada  Garoowe ee xarunta dowllada Puntland ayaa waxaa ay ku eedeeyeen colaada ka socota magaalada  Ceerigaabo Maamulka S/land warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in S/land  ka dhexhurineyso colaad qabiil dadka wada degan Deegaanka Ceerigaabo.

 

 

War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa u qornaa sidan.

 

Puntland State of Somalia Garowe 

WAR SAXAFADEED 9 Nofembar 2011 Waxaa Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ay ciidamada Maamulka Somaliland
ku laayeen dad shacab ah, 5-ta iyo 6-da bishan Nofembar, iyadoo falkaasi foosha xun uu sababay dhimashada 4-qof iyo dhaawaca 13-qof, iyo weliba barakaca bulshada reer Ceerigaabo. 

Caado ayey u noqotay Maamulka Somaliland in ay bulsho meel wada deggan colaad dhex-dhigaan iyagoo gacansiin ku salaysan Qabyaalad kula kacaya dadka shacabka ah. Ma ah markii ugu horeysay oo ay dhacdo arrintaan oo kale, waxaana ugu danbeysay
colaadii deegaanka Kalshaale. Mala aqbali karo in Maamulka Somaliland uu huriyo colaad Qabyaalad ku salaysan. 

Waxaan ugu baaqeynaa beelaha deriska ah ee Reer Ceerigaabo in ay ka digtoonaadaan dabinka colaadeed ee loo maleegayo. Sidoo kale, waxaan Shacabka ugu baaqeynaa in ay mar kasta ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonidda. Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in maatada la barakicinayo ay gargaar dhan kasta ah u fidiyaan iyo in Mas’uuliyiinta Somaliland oo ku mashquulsan hurinta iyo fidinta colaadaha tallaabo Dowli ah laga qaado.

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
info@puntland-gov.net
http://www.puntland-gov.net
www.puntland-gov.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online