Madax ka tirsan DFKM oo u baqoolay Makkah (Warsaxaafadeed)

November 2, 2011 - Written by

Muqdisho:-Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde International iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Barakeysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo sidoo kale, wefdi kale oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa gudanaya Xajka sanadkan, maadaama Xajku uu yahay mid ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka, oo qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay inuu Xajiyo marka uu awoodo.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkan soo Xajiyo isagoo xusay inuu Alle uga baryi doono shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatada abaarta iyo dagaalada ka dul qaado, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo, Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Madaxdan ayaa la filayaa in marka ay dhameystaan gudashada Xajka ay u tacsiyeyn doonaan dowladda Sucuudiga oo uu dhowaantan ka geeriyooday dhaxal sugihii boqortooyada, Boqor Sultan bin Abdulaziz Al Saud, waxayna halkaasi kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Sucuudiga.   ——Dhamaad—

Garad Salad Hersi*
*Communication Director
office of the PM
Mobile:
+252-615536608*
 +252-6-2536608*
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online