Madaxweynaha DFKM oo booqday Degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood

November 7, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa saaka kormeer ku tagay jiida hore ee difaaca ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana uu dardaaran kooban u jeediyey ciidamada DFKM oo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh Ahmed Ayaa waxaa uu kormeer ku tagay xarumo ay ka mid yihiin Garoonka Studio Muqdisho ,Carafaat,  Warshaddii Baastada, SOS iyo  Qubuurihii hore ee Talyaaniga iyo dhismayaashii caymiska qaranka waxaana uu warbixino kala duwan ka dhageystay saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed ayaa u balan qaaday ciidamada DFKM in la siin doono mushaaradooda wuxuuna ugu baaqay in ay is maqlaan soona qabtaan kuwa ciidanka ka tirsan ee dhaca u geysanaya shacabka masaakiinta ah.

 Shariif Sh Ahmed madaxweynaha DFKM ayaa ka codsaday Guddoomiya Maxkamadda ciidanka DFKM Gaashaanle Maxamed Xuseen Muungaab  in uun maxkamad uu ka hergaliyo deegaanka SOS .

Waa markii ugu horeysay oo uu kormeer ku tago madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed degamooyinka aan ku xusnay tan iyo intii  ciidanka Al-Shabaab ay baneeyeen magaalada Muqdisho inteeda badan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online