Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif Sheekh Axmed oo u dhoofay dalka Itoobiya

November 24, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u dhooofay magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Ra-iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaaradda Gaashaandhigga  Xuseen Carab Ciise, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM.

Madaxweyanha DFKM iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay magaalada Addis ababa uga qeyb galaya shir maalinta beri ah  ay ka soo qayb geli doonaa madaxda IGAD  si loo meel mariyo hishiiskii ka dhacay magaalada Nairobi oo ay kala saxiixdeen DFKM , Kenya  iyo Ugandha oo ahaa in dalka soomaaliya ay galaan ciidanka dalka Kenya iyadoo shirka berina  dowllada Itoobiya ay shaacin doonto in ay qayb ka tahay ciidamada la doonayo in ay galaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowllladaha ku bahoobay IGAD ayaa doonaya in dhaqaalo badan iyo tababaro ay hellaan ciidamadooda si ay uga faa.iidaystaan colaadaha iyo dhibaatada ka dhex aloosan dadka soomaaliyeed dhexdooda iyagoo arrimahaas qayb ka ah oo sii murjinaya mar walba , Ciidamo shisheeyey ayaa dowlladaha reer Galbeedku hoos ka soo riixayaan si gabi ahaanba ula wareegaan dalka Soomaaliya iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya in ay weerar ku yihiin ururka Al-shabaab  ayna doonayaan in ay xasilooni ku soo rogaan dalka Soomaaliya.

Ra-iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaaradda Gaashaandhigga  Xuseen Carab Ciise, oo la hadlay saxaafada ugana waramaya u jeedadad safarkooda ayaa sheegay in u jeedadad ugu weyn ay tahay in dowllada Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska la ah Soomaaliya ay DFKM la yeelato wada shaqayn dhinac amniga ah si ay gacan uga siiyaan la dagaalanka uruka Al-shabaab. Wafdiga madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa la filayaa in 2 maalmood uu ku sugnaado  dalka Itoobiya isagoo kulamo gaar gaar ah la qaadan doona madaxda Dowllada Itoobiya iyo madaxda dalalka IGAD ee  ka soo qayb galaya shirka maalinta beri ah ka furmi doona dalka Itoobiya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online