Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo gaaray dalka Sudan
November 17, 2011 - Written bySudan:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa maanta waxaa uu gaaray xarunta dalka Sudan ee Khartuum waxaan halkaas ku soo dhaweeyey madax ka tirsan dowlada Sudan oo uu u horeeyo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.
Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan DFKM oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha dibada ,iyo xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka DFKM.
Ilaa haatan lama shaacin sababta iyo ujeedada rasmiga ah ee uu Madaxweynaha DFKM u tagay dalka Sudan ka dib markii uu shalay soo gabagaboobay kulan ay wada qaateen madaxda dowlada Kenya ,Ugandha iyo Soomaalliya kaas oo la sheegay inheshiis lagu gaaray.
A/Cawale
Halgan.net