Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

November 25, 2011 - Written by

Addis Ababa :-Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi.

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed  iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii dowlada Itoobiya ay gacan uga geysan lahayd la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyaga oo ku soo galaya dalka magaca AMISOM.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa saaka ka furmaya kulan ay leeyihiin ay madaxda IGAD kaas oo diirada lagu saari doono amaanka dalka Soomaaliya iyo wadamada  Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha dowlada Itoobiya, Zenawi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay ka go,an tahay in ay gacan ku siiso DFKM sidii loo cirib tiri lahaa waxa uu ku sheegay kooxa xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,779 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>