Madaxweynaha DFKM Shariif Shiikh Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

November 18, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaminayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu safaro kale duwan ku tegay dalka Kenya iyo Sudan, Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xubno ka tirsan Aqalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha DFKM Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku ku soo dhaweeyey  Ra.iisul wasaaraha Dr.C/weli Maxamed Cali, , wasiiru dowlaha madaxtooyada Cabaas Macalin Nuur,Wasiirka warfaafinta  boostada iyo isgaarsinta C/qaadir jaahweyn Xildhibaanno, Saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM iyo AMISOM.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa  waxaa kulamo kale duwan  la soo qaatay Madaxweynahaasha  Dalka Sudan  Gen.Cumar Xassan Al-bashiir  , Madaxweynaha dalka Kenya Muwai kibaki ,Madaxweynaha Dalka Ugaandha Yuweeri Musaveni iyagoo dhamaan isku raacay in DFKM gacan laga siiyo sidii amaanka iyo nabadgelyada magaalada Muqdisho ay dib ugu hanan lahayd iyo in la soo kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online