Madaxweynaha DFKM Shariif Shiikh Axmed oo u dhoofay dalka Ugaandha

November 1, 2011 - Written by

Muqdisho,Talaado, November 01, 2011 :-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKM Shariif Shiikh Axmed ayaa saaka ka dhoofay garoonka  Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Ugaandha, safarka Madax wey naha ayaa salka ku haya siddii ciidamo hor leh oo ka socda AMISOM ay u imaan lahaayeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato madaxweynaha dalka Uganda Yueri Musaveni oo hadda isaga ah ninka wax laga wiidiiyo Soomaaliya maadaama ciidanka ugu badan oo ka socda dalkiisa ay ku sugan yihiin caasimada dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa kale oo la filayaa in kulan gaar ah uu la qaato Wasiirka Gaashaandhiga  dalka Ugaandha si ay uga wada hadlaan howl galo ay ciidanka AMISOM ka samayn doonaa maalmaha soo socda degaanka ceelasha biyaha oo ay ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ku goodiyeen in ay weerari doonaa.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay doonayaan in dagaalka ay kula jirtaan ciidanka urruka Shabaab ay u isticmaalaam diyaarado arrinkaas oo keeni doonta khasaaro fara badan oo soo gaara dadka shacabka ah maadaam ciidanka Al-shabaab aysan hadda lahayn Saldhigyo cayiman oo la bartilmaamsado.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online