Madaxweyne Shariif oo tacsi u diray eheladii marxuum xildhibaan Aadan Buulle

November 10, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaan Aadan Buulle Maxamed oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho .

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif ayaa ku sheegay dilkii loo geystay xildhibaan Aadan Buulle uu ahaa mid wuxuu-shnimo ah oo ay geysteen koox wax magarayo ah.
Tacsi.
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
Muqdisho, November 10, 2011 Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada, asxaabta, Xildhibaanada, dowlada iyo shacabka Soomaliyeed oo shalay si waxuushnimo ah loo ga dilay masuul qaran allah ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay fal-dambiyeedkii lagu dilay Xildhibaan Aadan Buulle mid naxdin weyn ku reebay dowlada iyo shacabka Soomaliyeed loona baahanyahay in si deg-deg ah cadaalada loo hor keenyo dambiilayaashhii ka dambeeyay dilkii arxandarada ahaa ee loo geystay Xildhibaan Aadan Buulle.

Madaxweyne Sharif ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay kaashadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida si looga hortago fal-dambiyeedka dhaawacaya amniga iyo sumcada ummada Soomaliyeed.

Ugu dambaynii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ugu duceeyay marxuun Aadn Buulle Maxamed in ilaahay jana fardoowsa ka waraabiyo.

Suldan A. Farahsed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online