Markazkii Salafiyiinta ee Damaaj oo la weeraray Caawa iyo khasaaro ka dhashay

November 8, 2011 - Written by

Yemen:-Wararka naga soo gaaraya caawa Markazkii ugu weynaa ee Salafiyiinta ee magaalada Damaaj ee dalka Yemen ayaa sheegaya in ay weerar ku soo qaadeen Markazka daarul Xadiis  kooxda Raafidada ah ee Xuutiyiinta waxaana weerarkaas uu sababay khasaaro kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa uu ku bilaawday toogasho toos ah oo ay soo bilaabeen kooxda Xuutiyiinta Markazka Daaarul Xadiis oo uu haatan gacanta ku hayo Sh Yaxya Al-Xajuuri waxaana toogashada ku dhintay alaha u naxariistee walaalkeen Mucaad Al-Yaziidii oo 15 jir ah .

Dagaalka ayaa waxaa iska difaacay ciidamada difaacaya Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj waxaana kooxda xuutiyiinta laga dilay hal askari waxaana laga dhaawacay 2 kale ,rasaasta la is dhaafsanayo ayaa soo gaartay caawa maqribkii. Kooxda xuuti yiinta ayaa waxaa garab siiya dalka Iran waxayna cadawtino weyn u qabaan Dacwa Salafiya oo uu hurmuud ka ahaa Shiikh Al-Muxadis Muqbil Ibnu Hadi Wadici Raximahulaah iyaga oo dhowr mar weeraro Bam ah ku qaaday inta uusanba kacdoonka ka bilaaban dalka Yemen.

Markazka  Daaru Xadiis waxaa uu soo saaray culumo iyo ducaad aad u tiro badan kuwaas oo ka kala yimid wadamada aduunka oo dhan waxaana markazka haatan gacanta ku haya Sh Yaxya Al Xajuuri Xafidahulaah .Waxa an alle uga baryeynaa in uu xifdiyo Markazka Daarul Xadiis iyo dhamaan culumada iyo ardayda Salafiyiinta  ee dalka Yemen .Amiin.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

16 Comments so far

Leave a comment

  1. walaalyaal u duceeyaya dadka ehlu sunaha ah ee la lagoomiyay
    murankana iska daaya

  2. asalamu calaykum waraxmatulah waxa wax lagu farxo ah in shicadi iyo rafidadi la jabiyay ardaydi shekh muqbil iyo ahlu sunihina ay gacan sareyen inta kadib waxan u jawabaya walalkan bare sita ee yidhi salafiyinta waxa la aasaasay dagalki khalijka walalku ma aha qof diin aqoon u leh sida an u malaynayo maxa yelay xarbul khalij ka hor aya ay culimada salafiyintu jiren dagalki khalijkana dawlada sucudigu way ku saxnayd inay maraykan u yedhato wayo sadam ad bu u xog wayna cid iska celinkaraysayna ma jirin kuwait waxa u ku qabsaday 24 sacadod sucudigana laba gantaal bu ku dhuftay hadi ad ledahay muslin bu aha e maxa galo logu adegsadayba kuwan libya ka dagaalamayaba mujaahidiin bad ku shegaysa sarkozy ayanay u yeedheen tan kale dulmi bad ku dhacday o waxad tidhi qadafi ayay difaacaan salafiyintu qadafi waxa gaalnimo ku xukumay sheekhi salafiyinta albani sido kale imam ibn baz salih al fawzan culimadas o dhan ba ku xukumay inu galobay cid difacday o salafi ahina lama hayo shekh rabiicna waxa u yidhi ilahay waxan ka baryaya in u umada musliminta ah qadafi iyo sharkisa ka qabto dawlada sucuudigana in la difaaca wa wajib wa dawlada kaliya ee ilaalisay shacaairti iyo muqadasadki islaamka wa dawlada kaliya e ku ad adag dhulkeedana aan u ogolayn waxan ay gaaladu ugu yeedhaan xuquqda insaanka o la rabo in dumarka guryahooda laga so saro o tabaruj u dhulka barakaysan ka dhaco marka ilahay ka baq diintana soo baro salafiyinta culimadodi wa waynayd marki ay nolayen ibn uthaymin ibn baz albani muqbil may dhici jirin wadadan yagi isgaalaysiinaya ee isqarxinaya marka wadadada salafiyinta inad u ducayso weeyaan maaha inad cilmi la aan hadasho

  3. horta dhiiga muslimka in xaqdaro lagu daadiyaa waa xaraam. laakiin waxaa aad iiga yaabiyay wadaadada iyo jahwarerka haysta kuwo umadoo idil dhiigoodu waa u xalal, afkay kala qaadana waa galeysiin jahli ku dhisan. kuwo waa kuwan isku magacaabay selifiyiin oo la abuuray dagaalkii khaliijka. qadafi maalmihiisii ugu danbeeyay waxay ka hadlayeen telefishinkiisa ayagoo leh waa khawaarij kuwa wulaatul umaarka la dagaalamaya. masjidka saalax oo cali cabdale salax waxaa loo dhiibay nin iyaga ka mid ah. ciiddii salax baa fadhiyay ,waxay khudbadu ku saabsaneyd mucaaradka radintooda.sacuudiga haba sheegin , marka ki wadaad ahaa umadda gadoonka ku dhacay buu qaaybtiisa qaatay magacna xaqiiqadda ma bedelo

  4. Asc. marka waxaan salaamayaa walaalaha Halgan.net dadaalka ay wadaan alah ha barakeeyee.

    mar labaadka waxaaan u mahadcelinayaa walaalka wata magaca Arday iyo sida uu wax inoogu faah faahiyey.

    waxaan ka xumahay walaalaha qaar in ay marka hore qiraan in ay shay jahli kaga sugan yihiin gadaalna ay ictiraad ka keenaan,

    walaalka wata magaca abu asmaa waxa uu yiri (walal talcliiqa iiga hormaray wuxuu sheegay wax la yiraahdo asmaa wal axkaam mujaahid ayaa ka mid ah ayuu sheegay runtii anigu asmaa wal axkaam horay uma aanan maqal macnaheedana ma fahmin ) laakin walaalkeen Arday ayaa u faah faahiyey.

    Walaalka wata magaca cabdala abu sumaya waxa uu yiri (walaalka isku magacaabay “Arday ” ee faalada ugu horreysa wata, magaca aad sheegtay ee al-asmaa wal-axkaam, wax adiga hortaa sheegaya ma maqal, marka kolley adigaa lagaa rabaa inaad meel cuskisiiso,) walaal hadii aadan horay u maqlin oo aadan cilmigeeda lahayn waxaan ku dhihi lahaa shayga aad jahliga kaga sugan tahay in aadan ka doodin, waa yaab in maanta ay kuu joogto waligay ma maqlin al-asmaa wal-axkaam!! oo hadana aad dood sii wadid.

    Waxaan ku raacsanahay walaalka wata Magaca Arday, walaalaha salafiyiinta ah ee Damaaj ku sugan waxay ku jiraan Jihaad dafci ah oo dulmi ayaa lagu soo weeraray, marka ayagu magacoodu waa Mujaahidiin difaacaya naftooda kaasi waa magaca, midkii laga dilana waxa uu qaadanayaa inshaa allah xukunka Shahiidka, tanina waa Xukunkii, meeshaas waxaa kaaga soo baxay Isim iyo Xukum oo marka la jamciyo noqonaya Al Asmaa wal Axkaam, Raafidada soo duushay ayagana Isim iyo Xukun ayey yeelanayaan.

    Ammaa meelaha kale ee walaal cabdala Abu Safiya uu ka hadlay, meel laga hadlayey ma ahan meel la isku diidan yahayna ma ahan, Ciidanka muslimiinta ee mujaahidiinta ah magacyada uu sheegay oo dhan waa loogu yeeri karaa.

    meel aan wax jirin yaan dood laga furin ikhwah, walaalku waxa uu baraarujin u dirayaye walaalaha maamulka webka wuuna ku mahadsan yahay, walaalaha kale ee arinta ka hadlayana si cilmiyeysan ha uga hadlaaan insha allah.

  5. Asc.bacda salan mahad ideyl ked ebey usug natay kadib bahda rer halgan iyo in tii arimah muslimin-ta waqti jubixso shico cidii horey uta taqinay loga warami mayo cidan aqone manta ha ogato iyado melkaste galo islam muslim-ba kuso dushay hadane waxwerari

  6. walaalka isku magacaabay “Arday ” ee faalada ugu horreysa wata, magaca aad sheegtay ee al-asmaa wal-axkaam, wax adiga hortaa sheegaya ma maqal, marka kolley adigaa lagaa rabaa inaad meel cuskisiiso, tan kale ee aad walaalaha webka ku eedeysay inaysan qorin magaca mujaahidiin ma garanayo iyadana halka aad eddeeda ka keentay oo aad leedahay maa la isticmaalo magaca “mujaahid” maxaa yeelay, qof kutubta islaamka magaca ugu badan ee ay adeegsadaan waa ” jeyshul-islaami” ama juyuushul-muslimiin, inta badanna tacbiirkaas bay isticmaalaan, bal u fiirso kitaabka aadka caanka u ah ee raxiiqul-makhtuum, ee uu qoray sheekh c/raxmaan mubaarak foori ilaahay ha u naxariistee, tacbiiraadka uu adeegsanayo waxaa ugu badan oo aad ku arki…” jeyshu nebi” “jeyshul-ismaamiyyi” luyuushul-muslimiin iwm, tusaale ahaan waxaad arkeysaa isaga oo oranaya…” Aljeyshul-islaamiyyu yataxarraku naxwal-madiinah”…aljeyshul-islaamiyyu…..aljeyshul-islaamiyyu, inbadan ayaad ku arkeysaa isaga oo isticmaalaya, taasoo macnaheedu yahay…ciidanka nebiga….ciidanka muslimiinta,….ciidamada muslimiinta, intaasoo dhammi waa lagu isticmaalaa taariikhaha kutubta islaamka marka sxb ardayow saas ula soco, xataa ciidankii rasuulku dumay ee sida aan jeclahay ku duulay tabuuk waxaa la oran jirey ” jeyshul-cusrah”, dhinaca kale iyo magaca aad adeegsatay ee asmaaul-axkaam eed tiri mujaahidiin ama mujaahid ayaa soo hoos gelaya ma arag wax adiga kaa horeeyey oo isticmaalay ee bal adiga laftaada kaaga waa inaad sugtaa ood meel ku fariisisaa, walaalaheena reer yemen alle ha ka qabto raafiddada duulaanka kusoo qaadey .

    • Assalaamu Caleykum.

      Walaal Cabdallah Abu sumeya hadii aad jaahil ka tahay mas’aladan waxaa kuu haboon in aad si edebsan su’aasha u weydiisid oo aad tawaaduc muujisid adigoon si isla weyni ah qoraalka u soo qorin, Su’aal xumeenta waxa ka ratibma xirmaanul cilm. Insha’Allah waan kaaga jawaabi su’aasha bal mustaqbalka adaabta ilaali adigoon isqaad qaadin.

      Sh Alislaam ibn taymiyah majmuuc al-fataawa majalada labaad safxada 34aad wuxu ku oran: ( [ الأسماء والأحكام ] أي في أسماء الدين Asmaa wal axkaam waxa la yirahdaa magacyada diinta ku sugan.) sida muslim, mumin, mujaahid, faasiq, munaafiq, kaafir, mushrik. magacyada diinta ku sugan oo axkaam ka dhaleneeso waxa la yirahda Asmaa wal Axkaam, gofka mujaahidka sooma ahan kan marku shahiido la dhaqeenin meesha gofka kale la dhaqayo? magaca mujaahid soo kuma sugna diinta oo soo ma ahan magac diinta la timid oo madxi (amaan) ah? Shiikh Islaam ibn taymiyah majmuuc al-fataawa majalada labaad safxada 50aad wuxu yiri: اسم علق به السعادة والشقاء، والمدح والذم، والثواب والعقاب، أعظم من اسم الإيمان والكفر؛ ولهذا سمى هذا الأصل : ( مسائل الأسماء والأحكام ) Magac lagu xiray liibaan, nasiib xumo guul xumo, Amaan, eedeen, ceebeen, Abaal, ciqaab sababtaas baa loogu magaacaabay Asmaa- wal-axkaam.

      Culumo yirahda ciidanka muslimiinta wee jiraan mana la diidayo in la yirahdo hadii la ogal yahay in ee mujahidiin yahiin, laakin wakhtigan aan ku jirno qaramada midoobay magaca mujaahid ma maqli karaan marka magacii baa si si loo farsameen, magacii baa lagu xiray magac irhaab la yirahdo markaas baa laga hijrooday magacii. Walaalaha halgan Ilahey kheer ha siiyo waligood ma arkin ayakoo soo qoraya mujaahid, ha ahaato afkhanistaan ama ciraaq ama jejniya, arintaasna waa arin isweydin mudan.

      Wallahu tacaala aclam

  7. War nimanka hada hadii aan leeska dhicin waa laga shaleyn doonaa Salafi hub ma qaato iska iloowa Raafida haleeska dhicyo iyo munaafiin iyo gaalo raac salafiyow hubka qaada

  8. aslaama caleykum walaalayaal maamulka halgan waxaan idin xasuusin lahaa weerarka in uu dhacay khamiistii lasoo dhaafay waana run hal wiil oo dhaalibul cilmi ah abaa ku shahiiday.allah subxaana watacaalaa nasrigiisa ha ugu gargaaro

    • Liban Akhi khamiisti la soo dhaafay in weerarka uu dhacay yaa kuu sheegay? gof damaaj jooga miyaad xiriir la leedahay? hadii aad la leedahay xiriir fadlan cod ka soo duub oo maamulka damaaj u soo gudbi.

  9. السلام عليكم ‏weymahadsanyihiin walaalaha halgan.net khayr allaah hadinsiiyo alle waxaan ugabaryeynaa inuubadbaadiyo habeen aankacno oo walaaleheen uducayno ‎

  10. salamu calaykum ilahay waxan ka baryaynaa in muslimiilnta dhiigoda kalaqaboojo kooxiba koox baay ka aar goosanay

  11. salamu calykum hayska tuhmin walaalaha ehlu sunaa ah sida islaax selefiya jadiidiya waxa lagu yaqaan inay ducaada la diriraan

  12. Salaamu calaykum
    walaalaha Halgan.net ilaahay khayr ha siiyo sida ay noogu soo gubiyaan akhbaarta walaalaheen Yemen gaar ahaan markaskii Daarul xadiisee damaaj waxaan aad uga murugoodaa go,doonka iyo duulaanka ay raafido ku soo qaaday ahlu xadiiskii waxaana duulaanka qeyb ka ah Islaax iyo askar la socota qolooyinka kacdoonka ka wada Yemen waxaan alle ka baryaaa in alle uu xifdiyo culumada iyo ducaada salafiyiinta ah ee dalka Yemen.

  13. السلام عليكم ورحمة الله

    marka hore waxan u mahadcelinayaa mahadle ka dib walaalaha gacanta ku haya halgan net waxan leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo ihtimaamkiina li ahli towxiidka meelkasta oo ey joogaan walaalaheen reer damaajna ilaahay ha xifdiyo rawaafidna ilaahay ha jebsho markiskaasina kii aabaha u ahaa dacwa salaafiya fil yeman iyo khaarijal yamenba tankale walal talcliiqa iiga hormaray wuxuu sheegay wax la yiraahdo asmaa wal axkaam mujaahid ayaa ka mid ah ayuu sheegay runtii anigu asmaa wal axkaam horay uma aanan maqal macnaheedana ma fahmin marka waxan ka codsan lahaa bal in uu faahfaahin ka bixiyo waxa uu ka wado wabilaahi towfiiq

  14. Walaalayaal Halgan Ilahey kheer badan miizaankooda ha u saaro, waxaa fiicnaan laheed in Halgan ee ilaaliso Asma-Wal- Axkaam, oo diinta islaamka kamid ah.
    Walaalayaal damaaj ciidamo difaac ma lahan waa tuulo oo dadka ak47 iska wataan walaalaha la dagaaltamaya raafidada waa mujahidiin isdifaacaya, Magaca Mujaahid wuxu kamid yahay magacyada asmaa wal-Axkaam, hadii la yirahdo (ciidamada damaaj) mexe walaalaha uga duwan yahiin ciidamada dowladaha kale?? waa waxna! marka walaalayaal Asmaa- wal-Axkaam yaana la aasin diinta bee kamid tahay Ilahey ha laga cabsado oo waaqica ha lagu cabiro magacyada Allah uu ku cabiray. Walaalaha damaaj ha iska difaacan raafidada iyo wixi la safta. Wa jazakallahu kheeran walaalah halgan.

Leave a comment

*