Maxaabiis laga sii daayey Xabsi ku yaal Magaalada Garoowe

November 24, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta laga sii daayey Xabsi ku yaal magaalada Garoowe  ilaa 8 maxbuus oo lagu qabtay iska horimaad hubaysan oo degmada Taleex ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntlland iyo S/lland , maxaabiistaan ayaa waxaa maxkamada darajada koowaad ee Garoowe ay ku xukuntay  xabsi u dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sano oo xarig ah.

Maxaabiistaan ayaa maanta waxaa lagu sii daayey cafis ka yimid Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ka dib markii ay codsigaan u jeediyeeen Isimo, Garaado iyo waxgarad aad looga yaqaaan degaanada Puntlland, Taliyaha ciidanka Booliska Puntlland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf oo saxaafad la hadlay ayaa xaqiijiyey in maxaabiistaan lagu sii daayay cafis ka yimid madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

no images were found

Taliyaha ciidanka Booliska Puntlland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in maxaabiista la siidaayey oo xirnaa mudo 3 bilood ah in wixii gaadiid iyo agab kale ah lagala wareegay waqtigii la qabtay sida ay xukuntay maxkmada darajada koowaad ee Garoowe, qaar ka mid ah maxaabiista la siidaaayey oo la hadlay saxaafad ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in la siidaayo oo dib u hellaan xoriyadoodi
iyagoo sheegay in mudadii ay xirnaayen si wanaagsan loola dhaqmay.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online