Maxkamada Darajada koowaad ee Garoowe oo dil ku xukuntay Cismaan Cabdi Gaabow

November 12, 2011 - Written by

Garoowe:-Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Garowe ayaa maaanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane Cismaan Cabdi Gaabow oo uu kusimaha xeer ilaaliyaha Maxkamadu darajada 1aad ku eedeeeyey in uu ka danbeeyey qaraxyo ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso oo lagu dilay ilaa 5 qof.

Kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee dowllada Puntland Maxamed Xareed ayaa waxaa  Maxakamada ka hor akhriyey qoraalo iyo Video  uu ku sheegayo in eedaysane Cismaan Cabdi Gaabow uu ka danbeeyey qarax yo iyo dilal ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe. Eedaysane Cismaan Cabdi Gaabow waxaa uu ku dhashay tuulada Buulo Mareer ee Gobollka Sh /dhexe waxaan da,diisa lagu sheegay 40 sano jir , eedaysane Cismaan ayaa waxaa ay ciidanka Booliska Boosaso qabteen dhowr jeer iyagoo ku eedeeyey arrimo la xiriira  Sixirka.

Kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee dowllada Puntland Maxamed Xareed ayaa ka codsaday maxkamada darajada koowaad in ay dil ku xukumeen si loo marsiiyo eedaysane Cismaan Cabdi Gaabow xukunka shareecada Islaamka maadaama uu dilay ama abaabulay qarxyo.

Maxkamada darajada Koowaad ayaa waxaa joogay 2 qof oo ku eedeeyey in Cismaan Cabdi Gaabow uu isagu ka danbeeyey qaraxii iyo dilal ay ku dhinteen  ilaa 5 qof. Ugu danbayntii ayaa maxkamada darajada koowaad ee Garoowe ay dil toogasha ah ay ku xukuntay Cismaan Cabdi Gaabow.

Maxkamada Darajada koowaad ee Garoowe ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dil toogasho ah ay ku filayse eedaysane dilay allaha u naxariisyee nabadoon Xasan Waloore oo ka mid ahaa nabadoonada Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,777 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>