Meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah oo saaka laga helay degmada Wardhiigley

November 23, 2011 - Written by

Muqdisho:-Meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa saaka laga helay  degmada Wardhigley ee magaalada Muqdisho kuwaasoo xalay la dilay.Dadka deegaanka  ayaa sheegay in dhalinyarada la dilay ay jirkooda ka muuqdeen rasaas farabadan, iyagoo sheegay in ay ka xirnaayeen addimada, isla markaasna la toogtay iyagoo xiran.

Dadweynaha ku nool xaafadaas  ayaa saaka isugu soo baxay halkii laga helay meydadka wiilasha dhalinyarada ah, waxaana jirtay in dadkaasi ay ka muuqatay caro xoog leh, balse majirin waxa ay u qaban kareen dadka la dilay.

Ilaa iyo haatan majirto cid sheegatay dilka wiilashan dhalinyarada ah, sidoo kale waxaa aan la garaneyn sababta loo dilay, iyadoo horey sidaan oo kale dad badan loo dilay, cid iska wareysatayna ayan jirin.

Ma’ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale dad Meyd ah la soo dhigo xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo dadka dilka geysta aan la ogaanin, waxaana sidoo kale jirta in halkaas lagu iloobo dhacdooyinka xanuunka badan ee lagu dilo shacabka Soomaaliyeed.

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online