Miyaad maqasheen Hooyadii Qaaliga ahayd ee 4 wiil oo ay dhashay ay birta isu lisanayaan midka laga hormana ay qoorta go’an tahay ?

November 24, 2011 - Written by

4 taan wiil mid waa Ciidanka Sirdoonka Xamar midna waa Al-shabaab midna waa Maleeshiyada la socota  duullaanka Kenya halka midka afraadna uu caseeye (baalashle ) ka yahay xamar ,Si lama filaan ah ayay hooyadan Telefishinada uga  aragtay hal xili wareed 3 ka mid ah wiilasheeda oo ay suura gal tahay inay nafta  iska qaadaan hadiiba ay nolol isku ar kaan halka midka afraadna uu halis u yahay 3 kale falalkooda aan loo meel dayin sida qaraxyada iyo xabad la iska furo suura galna ay tahay inuu ku naf waayo fal walaakiis gaystay asagoo Janno ama Jaad doonaya .

Muragada  hooyadas haysata waxaa u dheer  hadii  wiilasheeda ay is khaarajiyaan geerida iyo murugada wax la wadaago ma hasato marka laga reebo  daris xaafad 5 aad ama ka fog dhawr qoys oo ku dhaqan kuwaas oo iyaguna colaaddu ay halbawlayaasha jartay socodkooduna gaabis noqday waxay taraana ay tahay tooda inay marka hore toosiyaan . Miciinka kuwii u noqon lahaa ee ay mudoba kusoo tacabtay ayna ka filaysay inay garabkeeda noqdaan maalinta qoorteeda la laabana ay bud dhigaan waxay isu noqdeen cadaw aan isu nixin colaada ka dhex taagan waxay halis u tahay inay galaafato Hooyada aamintay in xagga samada laga inkaaray .
Kamay soo kaban dhaawicii umusha iyo saacadihii dheeraa ee foosha , intaas oo dhan waxay ku iloowday Hooyadan markay dhashay iyadii wali ku dhex jirta dhiigii dhaawiciina uu wali qoyan yahay ayay wiilashii ay ku nasan lahayd u diideen nasaho , waxay u diideen inay habayn si raaxa leh u seexato , waxay ka dhaxashay  tiiraayno iyo soo jeed
dhafoora hays iyo ciil iyo caro joogta ah ,
Hooyadan waxaa dhaawacay  xubneheedii qaaliga ahaa kalana dhantaalay Ubadkay dhashay dhawr sanana ay nuujisay Hooyadan waxaa la yiraahdaa  Somalia ( waa Jamhuuriyaddii Somalia ee
ciideeda kuwuu ku caana cabay ay cadaabka mudeen )
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Markii uu Qarandiid
    Qaribaada dalkeena
    Qadadiisa ka doonay
    haddii uu Qax u joog
    Qalalaasaha diido
    Qatartaan ma galeen

Leave a comment

*