Qarax ay dad rayid ah wax ku noqdeen oo ka dhacay Degmada Kaaraan

November 24, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka qarax uu ka dhacay  xaafadda Sii Sii  ee degmada Kaaraan waxaana ku dhintay ilaa iyo haatan Inta la ogyahay 2-qof waxaana uu dhaawac kala duwan uu soo gaaray 5 qof oo kale .

Qaraxa ayaa waxaa la rabay in lagu qarxiyo kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM balse nasiib daro waxaa wax  ku noqday dad rayid ah oo marayey wadada miinada lagu aasay.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa rasaas furay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaana ay bilaabeen in ay baaraan guryaha u dhow wadada miinada lagu qariyey waxaana ay soo qabteen ilaa dhowr qof oo haatan lagu hayo Saldhiga Degmada Kaaraan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,452 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>