Qarax caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

November 23, 2011 - Written by

Gaalkacyo, Nov, 23 Waxaa caawa ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo qarax miino ah oo lagu aasay wajiga hore ee Masjidka Al-bishaar  oo ku yaal Xaafada Israac, qarax ayaa dhacay ka dib markii ay dadku ay ka soo baxeen Salaadii Maqrib iyadoo goobta masjidka u dhowna ay howl gal ka wadeen ciidamo ka tirsan kuwa Madaniga.

Qarax ayaa waxaa la sheegayaa in la doonayey in lala bartilmaamsado ciidamo madani ah balse ciidamadu ay bilaabeen howl gal baaritaan taas oo sababtay in kooxda miinada aastay ay qarxiyaan si deg deg ah markii ay ciidamadu ku soo dhawaadeen goobta miinada lagu aasay.

Qaraxa miinad ayaa waxaa caawa ku dhaawacmay 2 askari oo ka mid ah ciidanka madaniga ee magaalada Gaalkacyo iyo wiil yar
oo uu dhalay askari ka mid ah ciidanka madaniga ee la socday, ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacy ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaan ay ka bilaabeen raadraac in ay ka sameeyaan goobo u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntlland ee magaalada Gaalkacyo iyadoo maalmihii u danbeeyey ay ka jirta magaaalada Gaalkacyo xiisad u dhexaysa maleeshiyaad beeleed dhowr jeer dhexdooda ka dagaalamay dhowr qofna iska dilay. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maalmihii u danbaysay ka jira amaan xumo ay wadaan kooxo dhalinyaro ah oo hubeysan una abaabulan qaab beeleed kuwaas oo marar badan uu dagaal dhexmaro, waxaa kale oo jira siyaasiyiin iyo kooxo kale oo ka fuliya magaalada dilal qorshaynsan oo lala bartilmaamsanayo waxgaradka iyo odayaasha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online