Qarax geystay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Wadajir

November 22, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ilaa 8 ruux ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada wadajir ka dib markii miino lagu aasay wadada ka dibna ay ku qaraxday dada rayid ah oo dariiqa marayey waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan ilaa 10 ruux.

Miinada ayaa waxaa lagu aasay wado ay inta badan isticmaalaan masuuliinta Degmada Wadajir iyo Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo lagu wagacaabo Jeyga. Degmad Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxay ka mid tahay Degmooyinka ay gacanta ku heyso DFKM waxaana inta badan ka dhaca qaraxyo lala beegsanayo madaxada Degmada iyo masuuliin ka tirsan DFKM oo degan Degmada Wadajir.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu laayey dad rayid ah oo aan waxba galabsan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,769 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>