Qarax miino ah oo lala beegsaday gaari ay wateen ciidanka dalka Kenya

November 24, 2011 - Written by

Nairobi:- Waxaa qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso maanta lagula eegtay gaari ay saarnaayeen ciidanka dalka Kenya, qarax ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Mandheere ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya. Sarkaal u hadlay ciidanka milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in qarax miinada ee lala eegtay ciidankoodu ay ku dhaawacmeen ilaa 5 askari waxaana dhintay 1 askari.

Col. Cyrus Oguna oo u hadlay milateriga Kenya ayaa ku edeeyey urruka Al-shabaab in ay ka danbeeyaan qarax lagu weeraray ciidankooda isagoo  aad uga gaabsaday in uu faahfaaahin buuxda uu ka bixiyo qarax .

 Ilo wareed ku sugan  degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu jiro qaraxa miinada  indhihiisana uu ku  arkay gaari ay la socdeen ciidanka dalka kenya oo gubanaya iyo askar laga soo saarayo gaariga dhexdiisa.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeyeen qarax lagu weeraray  gaariga ay saarnaayeen ciidanka Kenya waxaan ay xuseen in ay askar badan ay ku dileen weerarkaas iyagoo ku goodiyey in weeraro aargoosi ah ay la beegsan doonaa ciidanka Kenya iyo xaruma hooda .

 Ilaa iyo intii ay ciidanka dalka Kenya ay galeen gudaha Soomaliya ayaa waxaa soo kordhaysay khasaaraha ay gaarsiiyeen dad rayid ah oo Soomaali ah oo ay ku weerareen diyaarado halka ciidamadoodana weeraro dhowr ah oo gaadmo ah khasaaro uu ka soo gaaray

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online