Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Is-goyska Sanca

November 28, 2011 - Written by

Muqdisho:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa 5 qof oo iskugu jira askar iyo dad rayid ah ay ku dhinteen halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miinada taas oo lagu weeraray askar ka tirsan ciidanka DFKM oo howlgal ka sameynayey Is-goyska Sanca ee  magaalada Muqdisho.

Qaraxa Miinada ayaa dhacay xili ay ku gudo jireen ciidanka DFKM howlgalo ay ku baarayeen gawaarida iyo dadweynaha ka dib markii ay heleen xog sheegaysa in miino lagu aasay wadada Isgoyska Sanca,dadka dhaawacmay ayaa waxaa loola cararay isbitaalka Keysaney

Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weeráraka Miinada ah ee lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFKM .

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,218 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>