Qarax saaka lagu weeraray saraakiil ka tirsan DFKM oo ku sugnaa Villa Baydhabo

November 30, 2011 - Written by

Muqdisho:-War haatan uu na sóo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xooggan oo sababay khasaare kala duwan  saaka lagu weeraray saraakiil ka tirsan DFKM oo u ka mid yahay Abaanduulaha ciidanka Milatariga Gen C/kariin Yuusuf Dhega Badan kaas oo ka dhacay  xarunta  Villa-Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid ismiidaamin ah waxaana fuliyey qof ku labisan dareyska ciidanka DFKM warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhaawaca uu kor u dhaafay ilaa 15 askari dhimashada askarta DFKM iyo kuwa AMISOM ayaan ilaa haatan la shaacin

Villa-Baydhabo ayaa waxaa saaka kulan ku lahaa saraakiil ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM. ilaa haatan wax war ah kama uusan soo bixin saraakiisha ciidanka AMISOM.

Afhayeenka howlgalada ciidanka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen qaraxii ka dhacay Villa Baydhabo ayna ku laayeen askar faro badan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online