Qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Garisa iyo khasaarihii oo sii kordhay

November 25, 2011 - Written by

Garisa:-Wararka ka imaanaya magaalada Garisa ee xarunta gaobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay qaraxyo loo adeegsaday Bamka gacanta lagu tuuro lagu weeraray  laba goobood oo mid ay tahay kaniisad waxaa ku dhintay Afar qof 30-kalana wey ku dhaawacmeen.

Dhamaan dadka qarxyada wax ku noqday ayaa ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa goob ay dadka ku caweeyaan oo ku taal bartamaha magaalada Garisa gaar ahaan jidka Ngamia Road waxaana goobta qarxayada ay ka dhaceen soo gaaray ciidamada Booliska ee magaalada Garisa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inta uusan qaraxa dhicin in ay maqleen rasaas ka dibna ay maqleen laba qarax oo isku xigay Ciidamada booliiska Gaarisa ayaa xalay ilaa saaka xabsiga ka buuxiyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan arday iyo dhalinyaro wadaado ah oo reer Kenya ah.

Afhayeenka ciidanka Booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen dhowr qof oo ay uga shakisan yihiin in ay ka danbeeyeen weerardii xalay ka dhacay magaalada Garisa.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,779 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>