Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha DFKM iyo wafdi ka socda QM oo kulmay

November 16, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay xafiiskiisa Muqdisho wufuud ka socotay Q/midoobay oo ay kala hogaaminayeen ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Christian Manhall iyo xiriiriyaha Q/midoobay ee gargaarka Mark Bowden waxaaana kulamadani looga kala hadlay arrimaha Roudmap-ka iyo wixii ka qabsoomay iyo weliba caqabadaha jira, iyo sidoo kale kulan ku saabsanaa arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha. 

Ugu horeyntii kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo kuxigeenka wakiilka xoghayaha guud ayaa looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa Roudmap-ka iyadoo diirada la saaray caqabaddaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa si qotadheer ay uga wadahadleen sidii hay’addaha Q/midoobay ee haatan ku shaqeeya dalalka deriska ay u soo degi lahaayeen caasimadda iyo gobolada kale ee dalka si loo ballaariyo waxqabadka iyo la socodka hay’addaha Q/midoobay gaar ahaana kuwa gargaarka iyo siyaasada. 

Kulanka labaad oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaruhu waxaa goob joog ka ahaa Christian Manhal iyo xubnaha wefdigiisa waxaana looga hadlay arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha ku soo barakacay bilihii ugu dambeeyey gudaha magaalada Muqdisho iyo sida ugu macquulsan ee dadkan dib u dejin loogu sameyn karo, iyadoo Mark Bowden oo ah Xiriiyaha arrimaha gargaarka ee Q/midoobayna uu warbixin horudhac aheyd ka jeediyay shirka. 

no images were found

Intii uu socday shirka ayaa waxaa la daawaday sharaxaad muuqaal aheyd oo ay sameeyeen wakiilo ka socday hay’adda UN-OCHA iyo macluumaad kale taasoo ku saabsaneyd qiimeyn ay ku sameeyeen barakacayaasha ku soo barakacay caasimadda. 

Sidoo kale, shirka oo ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorsheynta, howlaha Guud iyo caafimaadka ayay ku soo bandhigeen qorsheyaal ay u sameeyeen barakacayaasha waxayna soo bandhigeen talooyin ku aadan sidii dib u dejin loogu heli lahaa barakacayaasha dibna loogu celin lahaa goboladii ay ka soo barakaceen. 

“Runtii waxaa la joogaa roobkii deyrta waadna ogtihiin waa xilligii ay dadku beerahooda dib u beeran lahaayeen, waxaana isla soo qaadnay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka oo ay goboladii iyo degaanadoodii dib ugu noqon lahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo xusay in barakacayaasha loo kala qeybin doono kuwii 2011 soo barakacay iyo kuwii mudada deganaa goobihii dowladda ugu dambeyntiina dib loogu celin doono si farsameysan oo laga baaraan degay.

DHAMAAD –
Garad Salad Hersi
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online