Ra.iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Gaas oo booqaday Xerada Badbaado

November 19, 2011 - Written by

Muqdisho, November 19, 2011—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday Xerada Barakaca yaasha ee Badbaado oo ay ku jiraan kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobolada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen isagoo ka qeyb galay bixinta gargaar raashin ah oo la siinayay qoysaska ku jira xerada.

Gargaarkan oo ay soo dhiibtay dowladda Sucuudiga ayaa waxaa la soo marsiiyay ururka Shirweynaha Islaamka (OIC), iyadoo bixintiisana ay iska kaashadeen hay’ado maxali ah iyo maamulka gobolka Banaadir.Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgalay xaaladdaha nololeed ee ka jira xerada wuxuuna wareysiyo la yeeshay maamulka degmada, midka gobolka iyo saraakiisha Booliska ee xerada kuwaasoo har iyo habeenba heegan ku ah si ay u sugaan dhanka Amniga.

no images were found

 Intaasi kadib, Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu casuumay inuu raashinka gargaarka ah qoysaska ugu horeeya uu gacantiisa ku guddoonsiiyo isagoo gudaha u galay goobta raashin qeybintu ka socotay wuxuuna halkaasi mid mid dadka ugu weydiinayay xaaladooda nololeed iyo mida Amniga iyagoo ku ammaanay maamulka degmada iyo dowladda Federaalka xilka weyn ee ay iska saartay habsami u socodka gargaarka iyo amniga Xerada Badbaado oo ah xerada ugu weyn ee dad barakacayal ahi ku jiraan gudaha dalka.

 Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay xeradaasi Badbaado wuxuuna ka hadlay shacdooyin mar marka qaar ka dhaca Xerada oo dadka lagu dhibaateeyo wuxuuna carabka ku adkeeyey in dowladdu aysan u dul qaadan doonin in la dhoco ama la lunsado raashinka gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gaajeysan, haddii ay dhacdona ay talaabo adag ka qaadi doonaan wuxuuna u mahadceliyay dowladda Sucuudiga oo iyadu raashin tayadiisu aad usareyso soo gaarsiisay baraka cayaasha Soomaaliyeed.

DHAMAAD –

Garad Salad Hersi

Communication Director,
office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
 
 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online