Reer Saalax iyo Raaskoodii

November 7, 2011 - Written by

Kitaabka quraanka ah ooraadiisu maahan mid la hadleysa meel maran. Bal waa ooraah leh yool ay kula  hadleyso guud ahaan aadamiga si ay u gaarsiiso xaqiiqada ay noloshu ku dhisan  tahay. Si gaar ah waxay ula hadleysaa intii sheegatay in ay rumeeyeen. Waa kitaab qofkii u dhega nuglaada, uu ka helayo lab faxan iyo nuur. Qofkii ka dhega adeygana wuxuu helayaa lab ciriiryoon iyo gudcur. Waa kitaab rumeyntiisa iyo  raacistiisa lagu helo naf ay sharaf ka buuxdo, iyo kor nadiif ah. Taas oo  cimrigeeda ku howlan wanaag, diideysa is dhex-yaac, la dagaalameysa wahsiga, nolosheeda iyo fekerkeeduna uu u dheelli-tiran yahay.

 

Noloshu waxy ku dhisan tahay xaq iyo xeerar, kuwaas oo jaangooyadeeda uu yeeshey Eebaha xaqa ah. Quraanku wuxuu ina barayaa, dabiicaddana ka muuqda, abuur walba oo kale ee aan aadamiga ahayn in uu si wanaagsan u hoggaansan yahay. Wuxuu qeyb ka qaataa isu  dheelli-tirka socodsiinta nolosha. Aadamigu waa abuurka keliya oo ay ka suurowdo in uu la yimaado dhaqan mooryaannimo ah ee ka baxsan xeerka xaqa ah.
Eebe (kor ahaaye) waxaa u caado ah, in ciddii xeerkiisa ka leexata uu ganaaxo, si uusan u halleyn socodka nolosha. Isla-markaas waxaa u caado ah in uusan ganaaxa kula soo deg-degin ee wakhti lagu waantoobo la siiyo. Wixii madax-adeyga sii wada, markaas in la qabto.

 

Waayaha nolosha waxaa soo marey reero badan oo lagu ganaaxay nolosha goosashada. Quraanka oo 1/3  kamid aayadihiisa ay yihiin sheeko-taariikheed, ayaa 2000 oo aayadood in kabadan wuxuu inooga waramayaa dhacdooyin tegey. Tusaale-dhig ayaanu u soo qaadaneynaa mid kamid ah taariikhaha filka way nee quraanka ku yimid. Reerka aanu halkan kaga sheekeeneyno waa qabiilo qooqdey oo xeerarkii Eebe (kor ahaaye) ku dur-durisey. Iyagu waxay kamid ahaayeen bulshooyinkii nolosha soo maray kuwoodii ugu il-baxsanaa, ugu hodan-sanaa, ugu xoog-waynaa, uguna qab-waynaa. Hadal ay ka tageen awoowayaashood ayuu quraanku ku sheegey suuradda Fusilat, aayaddeeda 15-aad:

 

(مَنْ أَشَدُّ مِنَّا
قُوَّةً أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ الَّذِي خَلَقَهُمْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُمْ
قُوَّةً)

 

(Kee weeye midka inaga xoog wayn,
miyeeyan arkeynin Eebihii uumey, isagu in uu yahay mid iyaga ka xoog wayn, waxay
ahaayeen kuwo xeerarkayaga ku xad-gudba
)

 

Qabiilkan oo magaciisa la oran jiray Thamuud, ayaa waxay ku dhaqnaayeen degaan lagu magacaabo Al-Xijr oo ku yaal waqooyiga dalka Boqortooyada Sacuudiga. Waxay u dhexeysaa labada magaalo ee ah Madiina iyo Tabuuk. 22 km. oo waqooyi-bari ah ayay magaalada Al-Calaa ka xigtaa. Degaanka reerkan wuxuu ahaa mid ku yaal meel istraateeji ah. Wuxuu u dhexeeyay dhul ay ku curteen saddex
il-baxnimo (Masar, Ciraaq iyo Yaman). Isla-markaas wuxuu ahaa mid leh dooxooyin barwaaqo ah iyo waadiyo biyo badan, kuwaas oo ayan biyuhu ka go’in. Reer Thamuud waxaa ay magaca ka wataan awoowahood Thamuud, kaas oo ahaa ina Caamir ina Iram ina Saam ina Nuux.

 

Iyagu waxay ahaayeen kuwo xagga Eebe (kor ahaaye) looga nicmeeyey. Waxay hor-mood ka ahaayeen il-baxnimo fil wayn, taas oo da’ddeedu ku began tahay 3.000 oo sano ch.  Waxay u talin jireen qabaa’il badan oo degaanka kula dhaqnaa. Magaalo madax waxaa u ahayd degmo lagu magacaabo Madaa’in. Barwaaqo iyo berya-samaad ayay ku noolaayeen. Waxaa u dheeraa il-baxnimo ku saleysan aqoon iyo farsamo ay heleen oo ay nolosha u kaashanayeen.

Waxay ahaayeen dad caafimaad qaba, oo jirkoodu uu xooggan yahay. Qofkoodu wuxuu jooggiisu ahaa 25 – 30 m. Waxaa la sheegaa in ay ahaayeen fir ka haray  qabaa’ilkii reer Caad. Il-baxnimadii ay curiyeen reerkan, laguma sheegin  kutubtii samada ka yimid ee quraanka ka horeeyey (Towraad iyo Injiil). Sidaas oo  kale ayaa reerkan aanan laga hayn wax raad ah oo dhaafsiisan maacooda iyo inta uu quraanku ka sheegey. Suuradda Al-Najm, aayadaheeda 50-aad iyo 51-aad waxay inoo bidhaaminayaan sida loo tir-tirey qabiiladii reer Thamuud iyo
qabiillo ay ka soo farcameen, iyaga iyo weliba wixii il-baxnimo ahaa oo ay ka tageen lala rogey. Waxay aayaduhu leeyihiin:

 

(وَأَنَّهُ أَهْلَكَ
عَادًا الأُولَى وَثَمُودَ فَمَا
أَبْقَى)

 

(Eebe – Isagu waa kii baab’iyay Caad. Iyo
Thamuud ee maxaa ka haray
)

 

Eebe (kor ahaaye), markii uu baabi’iyay qabiiladii Thamuud iyo wixii farsamo ahaa oo ay agabeeyeen, qeyb agabkii kamid ah ayuu ka reebey, taas oo uu inoogu sheegey quraanka. Si ay u ahaato raad cibradeed iyo mid waano-qaadasho ayaa farsamadii reer Thamuud waxaa ka haray dhismayaalkii ay buuraha ka dhisi jireen. Sida uu quraanku inoo sheegey, iyagu waxay dhisan jireen guryo iyo qasriyo. Dhismaha guryahooda waxay la gaar ahaayeen dhismo sare oo buuraha ku naqshadeysan. Arin lala yaabo ayaa waxay tahay, reerka sidaas loo baabi’iyay in ay yihiin reerka keliya oo quraanka uu xusey in guryahoodii baaqi laga yeelayo si ay aadamiga cibrad ugu noqoto. Dhismaha guryahaasi dhinac waxay ka yihiin buurihii ay ku naqshadeeyeen, dhinaca kale waxay ka yihiin aqallo qurux badan oo dhismahooda si wanaagsan loo far-shaxney. Quraanka marka lagu tilmaamayo guryahaas, ereyga loo adeegsadey wuxuu yahay Naxt
(far-shaxan). Guryo kale oo ereygaas la raacshey, quraanka laguma sheegin.

 

Qabiilka reer Thamuud, sababta ay ganaaxa ku muteysteen waxay ahayd ladnaantii ay heleen ayeeyan ku mahadin. Bal kibir ayay ka qaadeen, markaas ayay la yimaadeen dulmi iyo gabood-fal badan. Dulmiga ugu wayn oo ay faleen wuxuu ahaa in ay  inkireen Eebe (kor ahaaye), markaas ayay ilaahyo sameysteen. Waxay noqotey in caqiidadii ay ka xumaato, dabadeed ay addoomadii Eebe ee ka tabarta yaraa, in ay sidii baar-qabyadii ay ugu dur-duriyaan. Xeerka Eebe (kor ahaaye) wuxuu ahaadey cid kasta oo is-mahadisaa, waxaa lagu ibtileeyaa qooqlayaal ka dhashay iyo maan-gaabley la dhacsan oo durbaan ka daba-qaata. Goortii ay weelasha ka buuxsadaan caqli-xumi iyo falaad-xumi, falalkooda ayaa sabab u noqda, af-jarka calafkii ay nolosha ku lahaayeen.

 

Baar-qabyadii iyo maan-gaableydii ka kacay qabiiladii Thamuud, naxariista Eebe (kor ahaaye) darteed, ganaaxii lagu-lama deg-degin. Bal waxaa la siiyey fursad lagu waaniyo si ay u garawsadaan tubta ay hayaan in ayan ahayn tii toosneyd. Waxaa loo direy adeege ka socda xagga Eebe (kor ahaaye) kaas oo ina-adeerkood ah. Kaasi wuxuu ahaa Saalax ina Cabdi ina Maasix ina Cubeyd ina Xaajir ina Thamuud (nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Wuxuu ula tegey dhambaal uu Eebe (kor ahaaye) uga wadey. Waxaa loogu sheegayay caqiidada hagaagsan iyo hannaanka nolosha ee haboon. Wuxuu ula yimid markhaati uu Eebe ka wato, taas oo uu ku adkeynayay xujadiisa dhambaal-side iyo qadiyadda xaqa ah ee uu la yimid. Markhaatigu wuxuu ahaa hashii iyo nirigteedii uu buurta uga soo
saarey. Wax kale kama uusan dooneyn aanan ka ahayn in uu baro Eebaha xaqa ah iyo xeerarkiisa u hagaajinaya nolosha, taas oo ay ku jirto badbaadada qabiilka.

Qadiyaddaas ayuu Saalax (n.d.a.) muddo la dhex-taagnaa reerkiisii. Wuxuu tusaale-dhig uga  dhigey qabiiladii reer Caad ee awoowayaashood ahaa oo iyagu waddadan uga horeyey. Reer Caad qudhoodu waxay ahaayeen kuwo heystey nolol
il-baxnimo iyo berya-samaad leh. Laakiin markii ay mooryaanoobeen, ayaa caradii Eebe (kor ahaaye) ku dhacdey. Saalax (n.d.a.) iyo reerkiisii waa ay is-mari waayeen. Madaxya-wayntii reerka waxay Saalax (n.d.a.) u sheegeen in ay ka raja-dhigeen, marba haddii uu hareer maray wixii uu tolku ku heshiiyay. Markaas ayaa Saalax (n.d.a.) waxaa ku kacay, dhamaan maangaableydii reerka. Waxaa ugu horeeyey dumarkii iyo caruurtii. Naag la yiraahdo Cuneysa ina Quneym waxay lahayd afar gabdhood. Waxay u tagtay
qooqaagii reerka ugu waynaa, kaas oo la oran jiray Qaddaar ina Saalif ina Jandac. Waxay ku tiri, haddii hasha Saalax iyo nirigteeda aad dishid, gabdhaheyga middii aad doonto qaado. Halkii ayuu ka direy sgaal kamid ah maangaableydii qabiilada. Waxay dileen hashii iyo nirigteedii.  Bal waxay damceen in Saalax (n.d.a.) qudhiisa ay dilaan. Markaas ayaa waxaa u bilowdey ganaaxii Eebe (kor ahaaye), kaas oo ayan u helin awood iyo  gargaar ay isaga-caabiyaan.

Aayadaha quraanka ah ee ka hadlaya sheekadan, dhamaantood waxay yihiin kuwo ku soo degey magaalada Maka, marka laga reebo aayadda 70-aad ee ku jirta suuradda Al-Towba, taas oo dul-mar ku sameeneysa magacyada 6 reerood oo ganaaxii Eebe (kor ahaaye)
uu ku dhacay. Qabiiladii Qureysh, xilligaas waxay adeegihii suubanaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaate) ula dhaqmeysey, si lamid ah sidii ay Thamuud ula dhaqantey Saalax (n.d.a.). Quraankuna, xeerarka uu ka waramayo waa xeerar caalami ah oo xilli walba waa ay taagan yihiin. Sidaa darteed, madax-adeyga ayaa looga digayay.

 

Arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay aayad quraan ah ee xustey guryihii Thamuud, ayaa qaabka ay u xustey wuxuu yahay sidii in guryahaasi ay hortayada ka muuqdaan. Aayadda 52-aad, suuradda Al-Namal waxay leedahay:

 

(فَتِلْكَ بُيُوتُهُمْ
خَاوِيَةً بِمَا ظَلَمُوا إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَةً لِّقَوْمٍ
يَعْلَمُونَ)

 

Guryahoodii waa kuwaas iyaga oo maran
(cidla ah)

 

Naxwa ahaan, ereyga ah (تِلْكَ) waa xaraf loo adeegsado in lagu tilmaamo wax markaas kuu muuqanaya oo farta lagu fiiqo, (بُيُوتُهُمْ) waa aqalladoodii, (خَاوِيَةً) cidla aanan lagu nooleyn. Maadaama Quraanku uu yahay xeer Eebe (kor ahaaye) uu ugu tala-galay in aadamigu ku
dhaqmo illaa qiyaamaha ka joogsado, ereyga tilmaamaha ah ee aayadda la socda, isna waa uu jirayaa weligiis illaa qiyaamuhu ka joogsado. Guryahan leynoo tilmaamayo ayaa iyagana jiraya weligood illaa qiyaamuhu ka joogsado. Taasina waxay dersi u tahay facaha aadamiga ee is-daba joogo.

 

Ummado badan oo la rogey ayuu quraanku inoo sheegey. Waxaa kamid ah qoomkii Luud, qoomkii Huud, qoomkii Shuceyb, qoomkii Nuux, iyo qoomkii Muuse. Inkasta oo ummad waliba ay lahayd il-baxnimo iyo dhismayaal,      misana ma-jirin mid ay ka hareen guryihii ay degganaayeen. Quraankana laguma sheegin arintan. Il-baxnimadii reer Fircoon oo qudheedu ahayd mid lahayd tayo sare iyo tabar
xooggan, waxay ka tegeen dhismayaal mug wayn ee ahraamaadka ay kamid yihiin. Laakiin raadkii guryahoodii lama hayo. Agabka badan ee reerkaas laga dhaxlay, meelaha laga heley waa qubuurahoodii iyo meelihii ay ku cibaadeysan jireen.
Reerka keliya oo aan Thamuud ahayn oo quraanku uu guryahoodii xusey waa reer Caad. Iyaguna quraanku wuxuu ka sheegey (فَهَلْ تَرَى لَهُم
مِّن بَاقِيَةٍ) oo macnaheedu tahay wax raad ah maka heysaan !.

 

Dhismayaashii reer Thamuud, sida uu quraanku inoo sheegey laba qeyb ayay ahaayeen. Qeyb dooxooyinka ayay ku yiileen oo waxay ahaayeen qasriyo, oo waa dhismaha la baabi’iyay. Qeybta kale waxay ahaayeen guryo ay ku naqshadeeyeen buuraha oo waa
kuwa baaqiga laga dhigey. Sidaa darteed qasriyadii wax raad ah oo ka haray majiro. Laakiin guryihii leynoo tilmaamay baaqi ayay noqdeen. Afar aayadood oo meelo kala duwan quraanka kaga yimid ayaa ka war-bixin kooba naga siinaya guryaha reer Thamuud, gaar ahaan kuwa farsamada qurxoon oo baaqiga noqdey. Xogta aanu ka heleyno afarta aayadood,  waxaa kaloo ku
dahsoon oo ay inoo bidhaaminayaan, aqoon la xiriirta bulsho-barad (social study). Waxay tahay marxalado afar ah oo ay mareyso il-banimo walba oo bulsho aadmi ah ay curiso. Sida ay marxaladuhu u kala horeeyaan, ayaa aayduhuna ay u soo kala hor-degeen.

 

1) Marxaladda koowaad waxay tahay marxaladda hal-abuurka dhisma-hoosaadka iyo saldhigyada nolosha oo ay kamid yihiin hoyga, raashinka iyo lebiska. Bulsho walba markii ay unkameyso, nolosheeda  waxay ka curataa arimahaas gunta u ah in aadamigu sii jiro. Waana waxa ugu horeeya oo xil-dhibaanada bulshadu ay masuuliayaddeedu tahay. Bulshadii ku guul-dareysata in xubnaheeda ay ka
deeq-tiri weydo arimahaas saddexda ah, ma noqoneyso bulsho sii jirta oo cimri deg-deg ayaa ku dhacaya. Adeegihii Eebe, Saalax (n.d.a), isaga oo qabiiladiisii la hadlaaya ayuu arinkaas tilmaamay, si gaar ahna u xusey in ay ku guuleysteen arinkaas. Aayadda 74-aad ee suuradda Al-Acraaf oo arintaas ka sheekeeneysa waxay tiri:

 

(وَاذْكُرُوا إِذْ
جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِنْ بَعْدِ عَادٍ وَبَوَّأَكُمْ فِي الْأَرْضِ تَتَّخِذُونَ
مِنْ سُهُولِهَا قُصُورًا وَتَنْحِتُونَ الْجِبَالَ بُيُوتًا فَاذْكُرُوا آَلَاءَ
اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ)

 

(U dhug-lahaada in (Eeebe) uu idinka
yeeley kuwo dhaxley (noloshii) reer Caad dabadood, oo uu idin dejiyay dhulkii,
dooxooyinkeediina waxaad ka sameesaneysaan qasriyo, buurihiina waxaad ka
naqshadeesaneysaan guryo, u dhug-lahaada nicmadda Eebe, dhulka oogadiisana haku
xad-gudbinina idinka oo wax halleynaya
)

 

2) Marxaladda ee il-baxnimadu waxay tahay, markii lagu guuleysto xasilinta arimihii nolosha saldhigga u ahaa, in markaas bulshadu ay ilaashato nabadgelyadeeda. Taasina waa xaalad xasilloon oo wal-wal nafta ah iyo rabshado muuqda aanan midna lahayn. Waa xaalad ay bulshadu, cadow dibadda ah ay ka nabad gashay, bulshaduna ay amaan kala heshay. Eebe (kor ahaaye) wuxuu inoo tilmaamayaa reer
Thamuud in ay marxaladdaas gaareen, iyada oo la tilmaamayo farsamadii naqshadeynta guryaha. Aayadda 82-aad ee suuradda Al-Xijr ayaa arintaas inoo tilmaameysa:

 

(وَكَانُواْ يَنْحِتُونَ مِنَ الْجِبَالِ بُيُوتًا آمِنِينَ)

 

(waxay ahaayeen kuwo buuraha xaggooda ku
naqshadeeya guryo, iyaga oo nabad qaba
)

 

3) Marxaladda saddexaad waa marxaladda baashaalka iyo beryasamaadka. Marka ay bulshada barwaaqada ka badato, nabad-gelyana ay hesho, falalka ay sameeneyso waxaa ku badan falaadka iyo wakhti lumiska. Waa howlo ayan jirin ujeeddo ka danbeysa, aan ka ahayn in wiil iyo waayeel leyska baashaalo. In reer Thamuud ay heerkaas gaareen, iyada oo la xusayo farsamadii guryaha ay buuraha ku
naqshadeyn-jireen, Eebe (kor ahaaye) wuxuu inoogu sheegayaa aayadda 149-aad, suuradaa Al-Shucara.

 

(وَتَنْحِتُونَ مِنَ
الْجِبَالِ بُيُوتًا فَارِهِينَ)

 

(Buuraha xaggoodiina waxaad ku
naqshadeyseen guryo
)

 

4) Marxaladda afaraad waa marxaladda inta bulshadu ay is-cajabiso ay baarqabyadu u kacaan. Markaas iyaga oo maangaableydii didinaya sidii lo’dii geesaha lahayd, ku durduriyaan xeerarkii Eebe (kor ahaaye). Marxaladdaas, waxaa Eebe u caado ah in uu korto oo uusan ganaaxa kula deg-degin. Dad wax u sheega ayaa loo diraa. Intii ehelu-kheyr ah, garashada ayaa u danqata oo faham ayay helaan. Intii qaddartu ay horey ugu dhacdeyse, waa ay madax-adeygaan. Halkaas ayay ku halaagsamaan. Aayadda 52-aad ee suuradda Al-Namal ayaa arintaas inoo sheegeysa.

(فَتِلْكَ
بُيُوتُهُمْ
خَاوِيَةً
بِمَا
ظَلَمُوا
إِنَّ
فِي
ذَلِكَ
لَآيَةً
لِقَوْمٍ
يَعْلَمُونَ)

 

(Guryahoodii waa kuwaas cidlada ah,
dulmigii ay geysteen darteed, taasina waxay aayad u tahay kuwa wax
garanaya
)

 

Adduunyadatan
uunkii fadhiyay aakhiro u badaye

Intiqaale
oo waa tageen Aadan
iyo Nuuxe

Anbiyadii
dhamaantoodna waa wada idlaadeene

Anaan ahay
ibleys baa ku galay ololki naareede

Ankiraadi
nebi Aadan buu eedey
berigiiye

Dabadeedna
eelkii qabsadey waaba la ogaaye

Ilaahnimada kii
sheegtayee nebiga eedeeyey

Anfigiisa
waa tuu ka galay iniq kaneecaade

Aleysana Fircoon
bey ahlagtey ereygi jeerkiiye

Af-lagaaddaduu
Muuse yiri amarki beenowye

Ubad wixii uu
laayiyo wuxuu naago igareeyey

Afka kama
sifneyn karo wuxuu falay adduunkiiye

Qaaruun almaas
iyo wuxuu ariyo geel ooday

Dhulkaa lagu
arjumayoo hadday weli arooraane

Reer caad
adoogood inuu ooryo badan qaatay

Uluuf iyo inuu
dhalay aalaaf uuman wligeede

Axad keliya
eedduu falaa loo ahlagmayaaye

Haddii ay
islaaxaan Thamuud lama idleeyeene

Idankey ka
gooyeen hashii loo ag-joogsadaye

Waxa qowmu Luud
loo arfacay edeb-darraantiiye

Iyaguna
fuxshaad lagu arkaa loo arjumay
leyle    (Cali-Kaar Maxamad Iley)

 

Qore: Dr. Saadiq
Enow

dr_saadiq@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,773 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>