R/wasaaraha DFKM oo booqday saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho(Warsaxaafadeed)

November 22, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer howled ku tegay qeybo ka tirsan saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho isagoo sidoo kalena soo kormeeray mushaar bixinta ciidanka Booliska oo ka soconeysa Dugsiga Tababarka ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiye Ex. Iskoola Bolisiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay kuxigeenkiisa ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, iyo saraakiisha ciidanka Booliska waxayna kormeerkooda ka bilaabeen saldhiga demgada Hodon kaasoo uu ka muuqanayay burbur laxaadleh oo gaaray dagaaladii ugu dambeeyey ee dowladdu la gashay kooxaha nabadiidka oo saldhiga ka dhigtay gab-baad.

Ra’iisul Wasaaraha oo u kuurgalayay qalabka ay u isticmaalaan Boolisku diiwaangelinta dacwadaha iyo dambiyada ayaa aad ula yaabay qalabka ay isticmaalayaan oo ah mid la isticmaali jiray kontomeeyadii, wuxuuna xusay inay balanqaad qalab iyo gaadiid ay ka heleen Q/midoobay (UN) ayna rajeynayaan inay fududeeyaan si looga gudbo baahida qalab ee ciidanka Booliska.

no images were found

Sidoo kale, Ra’iisu wasaaruhu wuxuu balan qaaday in la bixin doono dhamaamba bilaha mushaarka ee ka maqan ciidanka Booliska si loo helo Amni, kala dambeyn iyo sharci “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa ciidanka Booliska oo har iyo habeenba u taagan sugida amniga ee magaalada, waxaana ku dhiirigelinayaa inay dedaalkooda sii wadaan dowladduna ay u soo dhicin doonto wixii xaquuq, qalab iyo mushaarba ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka Booliska.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray Saldhiga degmada Howlwadaag, wuxuuna ugu dambeyntii boqolaal ciidanka Booliska ah kula hadlay iskoolka tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye isagoo u kuurgalay waraaqaha iyo Documents-ka ay lacagaha ku bixiso UNDP-da, waxaana xilligaasi soconayay mushaar bixin ciidanka Booliska.

“Waxaan wadnaa qorshe xoogan oo aanu ku dooneyno inaan dayactir ku sameyno dhamaamba saldhigyada ciidanka Booliska si loo xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka Booliska” ayuu mar kale yiri RA’iisu Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ugu baaqay shacabku inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska si loo cirib tiro dambiilayaasha.

DHAMAAD
Garad Salad Hersi
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online