Sarkaal ka tirsan Hay’adda (NRC) ee dalka Norway oo caawa lagu dilay Gaalkacyo.

November 18, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Sarkaal ka tirsan  hay’adda qaxootiga u qaabilsan dalka Norway (NRC) ayaa caawa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafada Israac ka dib markii uu ka soo baxay salaadi maqrib Masjidka (Dul Qarnayn) . Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Maxamed Cawad ayaa waxaa dilkiisa geystay 3 nin oo aan heybtooda la aqoon goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamada Puntland iyaga oo baaritaano ka bilaabay goobta.Waa dilkii labaad oo ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo mudo bil gudahooda ah.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda dilal qorsheysan oo lagu leynayo waxgaradka iyo haldoorka kaas oo ilaa haatan la aqoon cida ka danbeysa .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,779 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>