Seif al-Islam Qaddaafi oo lagu qabtay magaalada Obari Koonfurta dalka Libya

November 19, 2011 - Written by

Libya:-Saraakiisha militariga Libya ayaa sheegay inay qabteen wiilkii baxsadka ahaa ee uu dhalay Qaddaafi ee Seif al-Islam Qaddaafi. Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in ciidamadu ay Seif al-Islam ku qabteen magaalada Obari oo ku taalla koonfurta Libya una dhow xadka dalkaasi uu la leeyahay niger Saraakiisha ayaa sheegay Seif la doonayay in loo tahriibiyo dalka Niger oo horey magangalyo u siiyay wiil kale oo uu dhalay Qaddaafi oo lagu magacaabo Saadi Qaddaafi.

Wakaaladda AP ayaa soo xiganaysa wasiirka KMG ee cadaalladda Libya oo sheegaya in Seif al-Islam sida ugu dhakhsiyaha badan loogu gudbin doono magaalada caasimadda Tripoli.

Maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ICC ayaa doonaysa in Seif al-Islam la soo taago maxkamad oo lagu eedeynayo danbiyo la xiriira xuquuqda aadanaha oo uu galay

VOA

1 Comment so far

Leave a comment

  1. nin walba wixii uu sameeyo ayaa lagu sameydoona ee nin wealba hadda dulmiga ha iska illaaliya

Leave a comment

*