Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar iyo wafdi culimo ah oo gaaray Masjidka Abubakar ee Seattle

November 25, 2011 - Written by

Seattle :-Culimo ay ka mid Yihiiin Sheikh cabdiraxmaan Sheikh Cumar,Sheikh Maxamed Mursal iyo Sheikh Cabdirizaaq Xaashi ayaa gaaray Magaalada Seattle ee Gobalka Washington Si ay halkaasi muxaadaraad ugu jeediyaan jaaliyadda Somaliyeed ee Ku dhaqan halkaasi.

Culimda ayaa Waxaa la filayaa in ay Joogi doonaan Insha allah Illaa Maalinka Axadda ah waxaana ay halkaasi kula kulmi doonaan Jaaliyadda Somaliyeed oo ay u jeedin doonaan Muxadaraad.

Masjidka Abubakar ee Seattle oo uu Imamka ka yahay Sheikh Axmed Nuur Macalin ayaa Waxaa uu Maalmaha Fasaxa ah  qabtaa muxadaaraad iyadoo la casuumo Culimada Joogto Gobalada kale ee dalka Mareykanka si ay ugu faa’iideeyaan daweynaha u ooman in ay ilaashadaan diintooda ee Somaliyeed.

Jadwalka Muxaadaradka Dib ayaanu idninkala soo socod siin doonaa balse waxaa Habaynka ay sabtida oo geleyso Salaadda maqrib ka dib Muxaadaro soo jeedin doona Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar.

Halgan.net/Alyaqiin

1 Comment so far

Leave a comment

  1. jazakumu allah khayran. Culimada allah hano xafido dhamaantood iyo muslimiintaba

Leave a comment

*