Sh.C/raxmaan oo muxaadaro uu kaga hadlay RUNTA ka jeediyay Masjidka Abubakr ee Seattle (Video).

November 27, 2011 - Written by

Muxaadaro Qayim ahayd oo Cinwaankeedu ahaa RUNTA iyo ka fogaashaha Akhlaaqda Xun ee beenta iyo u dhawaanshaha Akhlaaqda wanaagsan ee Runta ayuu Sh. cabdiraxman Shiikh Cumar oo Muslimiinta gaar ahaan Soomalida wada taqaan ka jeediyay Masjidka weyn ee Abubakr ee ku yaallo Seattle,Gobalka Washington ee Wadanka Mareykanka.
Sheikh cabdiraxmaan Shiikh Cumar waxaa uu aad ugu dheeraaday qiimaha runta ay lee dahay iyo sida loogu amaanay Nabigeena SCW akhlaaqda wanaagsan oo ay mudantahay in aynu ku dayano.“Nin baa waxaa lagu yaqaanay in uu been Sheego markii danbe ayuu run sheegay ka dib la rumeysan waayay markaasuu raftay oo yiri War maanta waan raftay ee i rumeysta run ayaan sheegayaaye” ayuu sheekha tusaale u soo qaatay.

Sidoo kale waxaa sheikha uu ku baraarujiyay Dadkii dhageysanayay in ay ka fogaadaan in ay gudbiyaan oo sheegaan wax kastaa oo ay maqlaan waxaan uu tusaale usoo qaatay sheikha xadiiskii NABIGA SCW ee ahaa “Waxaa danbi ugu filan qofka in uu ka sheekeeyo wax kastaa ee uu maqlay”

Sheikh cabdiraxman Sheikh Cumar iyo Culimo la socota ayaa waxaa ay Joogaan masjidka Abubakr si ay halkaasi uga jeediyaan Muxaadaraad uguna faa’iideeyaan Umada Halkaasi ku dhaqan.

Waxaad kaga bogan doontaa Muxaadarada Sheikha oo MP3 ah qaybta hoose waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonnaa Insha allah Muxaadarada oo MUUQAAL ah Idinka illaahay.

Hoos ka Daawo Video-ga Muxaadaraadii uu Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar Uga hadlay Runta.

 

[Audio:http://www.alyaqiin.com/dhageysi/RuntaShAbdiraxman.mp3]

Halkan Guji Muxaadarada oo MP3 ah.

Muxaadaraadkan kala Soco
Halgan.net/ALYAQIIN.COM

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online