Shiikh Maxamed Shible oo khudbadii ciida kaga hadlay arimo badan

November 6, 2011 - Written by

Nairobi:-Sheikh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadiisii ciidda uga hadlay 3 qolo oo baneysata dhiigga dadka Muslimiinta ah. Sh.Shibli oo maanta kumanaan dadweyne ah kula hadlayey fagaaraha Burhaan State ee magaalada Nairobi, khudbaddiisii Ciidda, ayaa sheegay in 3 qolo ay daadi yaan dhiigga dadka Muslimiinta ah, isagoona carrabka ku adkeeyey in sida maanta ay xurmada u leedahay oo kale uu dhiigga Muslimiintana xaaraan u yahay in la daadiyo.

 

Qolada 1-aad

Sheikha ayaa sheegay in ay jiraan qolyo dhiigga muslimiinta ku baneystay magaca la dagaalanka argagixisada, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in qolyahaasi ay dhiig badan oo xaaraam ah, maal iyo sharafba ku baneysteen magacaas oo ka yimid waddamo gaalo ah oo dano kale leh. Shiikha ayaa sheegay in dhiigga dadka Muslimiinta ah uu xaaraan yahay, magac walba oo lala baxana uusan ku banaanaaneyn, wuxuuna dadka xusuusi yey inay Illaahay ka cabsadaan oo ilaaliyaan xormada dhiigga Muslimiinta.

Qolada 2-aad

Sheikha ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan qolyo dhiigga muslimiinta ku baneystay magac qabiil, isagoona intaas ku daray in sina ayan u banaaneyn in loo daadiyo dhiigga dadka Muslimiinta ah. Sheikha ayaa sheegay in qabyaalad u dagaalanka ay Soomaalidu mar labaad dib ugu laabatay, wuxuuna ka digay in dadka muslimiinta ah dhiiggooda loo daadiyo si macno la’aan ah.

Qolada 3-aad

Sheikha ayaa qoladan ku sheegay kuwa ku socda hawadooda, wuxuuna ku sheegay kuwa aan aqoonin cilmiga sharciga ah, isagoona carrabka ku adkeeyey in qolyahan ay dadka ku laayeen magac riddo oo qofkii ay wax kale isku qabtaan ku shaabadeeya gaalnimo, ka dibna dhiiggooda baneysta.  Sheikha ayaa sheegay in dad badan oo hore saaxiibo u ahaa ay maanta is gaaleysiinayaan oo dhiiggooda baneysteen, wuxuuna intaas ku daray in maanta la wada arko in ciddii adduunyo iyo wax kale isku qabsataba ay isku xukumayaan gaalnimo ka dibna dhiiggooda baneysanayaan.

Ugu dambeyntii Sheikha ayaa sheegay in sina ayan u banaaneyn daadinta dhiigga Muslimiinta, wuxuuna ka digay in shaatiyo badan loo soo huwado si dadka loo laayo.Sheikha ayaa Muslimiinta ugu baaqay inay midoobaan, iskana ilaaliyaan waxyaabaha dhaawici kara Islaannimadooda, wuxuuna si weyn dadka ugu booriyey inay isu turaan oo iskaashadaan.

Guud ahaan magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo baxay ciidda, waxaana maanta magaaladu aheyd mid isku waafaqday ciidul Adxaa oo maanta caalamka Islaamka looga dabaal dagayey.

Halgan.net ayaa soo gudbin  doonta khudbada Sh Maxamuud Shible hadii alle idmo.

Halgan.net
Nairobi

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maashaa allaah waa khudbo taabatay mawduuc loo baahnaa jzkumullaah reer halgan.net dedaalkiina dacwada.

Leave a comment

*