Sidee looga ciiday magaalada Copenhagen ee caasumada dalka Denmark ??

November 7, 2011 - Written by

Copenhagen:-Waxaa maanta oo axad ah, bisha dulxija-na ay tahay 10 una dhiganta lixda novembar 2011, looga ciiday magaalada copenhagen ee caasumada dalka Denmark si aad iyo aad u heer sare ah . Munaasa bada ciida oo lagu qabtay hoolka wayn ee Nørrebro hallen , ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan dadka muslimiinta ah ee degan copenhagen iyo nawaaxigeeda.Waxaana barnaamijkan ciidda oo aad u balaaraa isku soo dubariday maamulka maskidka soomalida ee Tawxiid ee copenhagen,kuwaaso runtii muujiyay karti iyo maamul wanaag aad u sareeya, tusayna inay soomalidu waxna qabsan karto , ummadaha islaam kana hogaain karto.Waxaa salaadii ciida halkaa ku tujiyay dadkii Sheekh Maxamud Abu Dalxa , oo ka mid ah culimada Scandaneefiyanka.

no images were found

Salaadii ciida ka dib waxaa lagu tukaday salaad janaasa ah qoraagii soomaliyeed Ilahaay u naxariistee Khaalid Cali Guul oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Copenhagen. Sheekh Abu Dalaxa ummadii ka soo qayb gashay Musaabada ciida u jeediay khudbad wacdi ahayd oo aad u qiimo badnayd, oo ALLE ka cabsi iyo is xasuusin geerida u badnayd ayuu ku so gabagabeeyey duco uu ummada islaamka u duacaynayey gaar ahaanaa ummada soomaliyeed inuu Ilaahay dhibaatada ka saaro.

Halkaan ka Daawo masawirada ciida

Ka dibna waxaa bilawday barnaamijkii ciyaraaaha ee caruurta iyo wixii ay masjidka Tawxiid ugu talagaleen caruurta Waxaan aniga oo ku hadalaya magaca IftiinMedia iyo Daarulcilmi.net u dirayaa hamabalyo ummada soomaliyeed meel ay jooganba, waxaanan leeyahay Ilahay dambi dhaaf iyo janadiisa ha ina siiyo.

Aamin

Abdalla shafey

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online