Soomaali-Weyn: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii.(Casharkii XV-aad)

November 13, 2011 - Written by

Prince Luigi Amedeo, 11 cisho ka hor intuusan Xamar ka dhoofin wuxuu furey dhismihii waynaa ee  kaniisaddii Xamar.Waxay ahayd xilligaas kaniisadda ugu wayn ee qaaradda Afrika ka dhisneyd. Qaab-dhismaheedka kaniisaddan waxaa loo ekeysiiyay dhismo kaniisad ku taal magaalada la yiraahdo  Cefalù oo 75 km u jirta Palermu oo ah magaalo-madaxda jasiiradda Sicilian, taas oo la dhisey markey taariikhdu ahayd 1131 c.d. Labada burji oo ay lahayd kaniisadda Xamar, midkiiba  dhererkiisu wuxuu ahaa 37.50 m. Waxaa la bilaabey dhismaheeda bartamihii sanadkii 1925-kii. Waxaa si buuxda loo dhameeyey bishii febraweri 1928-kii. Shaqaalaha lagu dhisey waxay ahaayeen askartii maxaabiista ahayd ee laga keeney gobolladii Soomaaliyeed ee Talyaaniga lagula dirirey. Markay taariikhdu ahayd 1/ 3-
1928-kii ayaa si rasmi ah kaniisadda.

 

Talada lagu dhisey kaniisadda waxaa lahaa boqorkii Talyaaniga ee xilligaas joogeyVictor Emmanuel III, kaas oo xilka boqornimada hayay muddadii u dhexeysey (1900-1946). Isagu wuxuu la hoobtey xukunkii fashiistada ahaa ee dagaal-waynihii II-aad ee adduunka looga adkaadey dowladdiisii. Waxaa kale oo mashruucii dhismaha kaniisadda sii xoojiyay baadariga la yiraahdo Antonio Vadone, kaas oo ahaa nin qallafsan islamarkaana kamid ahaa taageerayaashii Benito Mussolini. Markii xilka laga wareejiyay xaakimkii ahaa De Vecchi,
Antonio Vadone waxaa lagu soo magacaabay qunsulka baadariyada u fadhiya Xamar.

 

Kaniisaddan ayaa  waxay ahayd kaniisad kaatoolig ah oo Talyaani leeyahay, taas dibadda dalka Talyaaniga ku taal midda ugu wayn. Isla iyada ayaa waxay tahay kaniisad kaatoolig ah oo ka dhisan waddan islaam ah midda ugu wayn. Masaajidka ku dhow ee la yiraahdo Arbaca-rukun, waxaa dhisay baadarigaas aanu soo xusney, ujeeddadu waxay ahayd in lagu shiiqiyo carada dadku ka qaadayaan
arintan. Dhismaha kaniisadda wuxuu kamid ahaa qorshayaashii uu Talyaanigu ku dhaqan rogayay muuqaalka uu degaanku lahaa. Inkasta oo uu sheeganayay in dhismahaasi uu ka qeyb-qaadanayo bilicda magaalada, misana waxay xambaarsaneyd howlo dhowr ah. Waxaa kamid ahaa in ay ahayd astaan gumeysi, in ay xarun u noqoto mashruuc lagu faafinayo diinta masiixiyadda. Islamarkaas dhismaha qarada wayn ayaa wuxuu ahaa dhufeys ay maatada ku badbaadsadaan, haddii uu mustaqbalka ku yimaado kacdoon ka awood wayn.

 

Waxaa xusid mudan, mashaariicdaas ay kaniisaddu kamid tahay, in lagu dhisey maxaabiistii tirada badnaa ee Talyaaniga uu ka soo qafaashay gobolladii lagula dagaalamay (Banaadir, Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Majeertiinya). Kumanyaal kamid ah raggaas
maxaabiista ah, waxay u dhinteen gaajo iyo cudur. Qaarkood waxay ka soo daateen jaran-jarooyin aanan hagaagsaneyn oo ay fuulayeen marka ay ka shaqeynayaan dhismayaasha dabaqa ah. Inbadan oo meydadkooda ah, badda ayaa lagu xoori jiray oo kalluunka ayaa cuni jiray. Odey Soomaaliyeed oo aan kula kulannay magaalada Stockholm (Sweden), wuxuu ka sheekeeyey in aabihiis uu kamid ahaa raggii maxaabiista ahaa ee Kaniisadda wax ka dhisey. Odeygaas oo la oran jiray Xirsi Faarax ayaa wuxuu ka waramay in aabihiis iyo laba nin oo kale ay ka baxsadeen xabsigii. Xirsi oo arintaas ka waramaya wuxuu yiri:

 

Aabahay wuxuu kamid ahaa colkii Cumar Samantar. Markii ciidankii fallaago la jebiyay ayaa isaga iyo rag uu ku jiro  waxaa laga soo qabtay aagga degmada Ceel-Buur. Xamar ayaa la keeney, dabadeed iyaga oo maxaabiis ah ayaa lagu shaqeyn jiray. Meelaha lagu dhisey waxaa kamid  ahaa kaniisadda. Xabsigii iyo shaqadii badneyd waxay kala kulmeen gaajo, qabow iyo cudur. Sida uu ii sheegey aabahay, maalin walba dad ayaa ka dhiman jiray oo badda ayaa lagu xoori jiray “.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).

 

Xirsi wuxuu ka sheekeeyey aabihiis iyo laba nin oo maxaabiista kamid ah in ay ku tashadeen in ay xabisga ka baxsadaan. Iyaga waxaa u muuqatay, xabsiga in ayan nolol oollin oo mar-kasta ay dhimanayaan haddii ay sii joogaan xabsiga, dabadeedna meydkooda
badda lagu daadinayo. Waxaa kaloo jiray colaad xilligaas hanaqaad noqotey oo Talyaanigu uu shidey, taas oo beelaha Soomaaliyeed uu isaga hor-keeney. Sidaa darteed, saddexdii nin ee maxaabiista ahaa markay tashanayeen waxay is-tusiyeen, haddiiba ay ka badbaadaan xabbadaha askarta Talyaaniga, sidee ayay uga badbaadayaan colaadda taal gobollada ay sii dhex-marayaan. Nin kamid ah
saddexdoodii sheeko-wadaagta ahayd ayaa wuxuu yri:

 

War dhulku nabad maahan. Haddaanu baxsano, gobolladii ay dadkayagu ku dhaqnaayeen inooma dhowa. Xaggee ayaanu kaga
bad-baadeynaa beelahan aanu sii dhex-mareyno oo colaadda ay innaga dhexeyso
“.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).Xirsi aabihiis ayaa markaas wuxuu ugu jawaabay:

 

Nimanyohow caawo aan taliyee, talada iga yeela. Beelahan ay colaadda naga dhexeyso waa dad Islaam ah oo Soomaali ah.
Haddey inoo suuragasho in aan Talyaanigan ka baxsanno, beelaha Soomaalida ah laba arimood ayaanu mid kala kulmeynaa. In ay ina daayaan oo ina jiscimaan waa suuragal. In ay ina dilaan oo sidii Islaamka wax u aasi jiray ay inoo aasaanna
waa suuragal. Mid saddexaad kala kulmi meyno. Labada arimoodba waa ay inoo dhaantaa in Talyaanigu inta ina silciyo, dabadeed meydkayaga uu badda ku rido
“.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).

 

Saddexdii nin waxay guddoonsadeen in ay baxsadaan. Markii ay muddo ishaa-falateysi ku  jireen, waxaa u suuragashay in ay baxsadaan. Gobollada Banaadir iyo Hiiraan lug ayay uga gudbeen iyaga oo aanan cidna u martin. Goortii ay gaareen degaanka Gal-gaduud ayay gaajo la socon waayeen. Waxay ku leexdeen reer degaanka ku dhaqan. Odeygii reerka ayay markiiba is-garteen. Isagiina markuu arkey rafaadka
ka muuqda, waa uu soo dhoweeyeyoo halkii ayuu ku marti-soorey. Habeen ayay la seexdaan. Subaxdii ay ka tegayeen intuu caana siiyay ayuu wuxuu u keeney waran, toorey iyo budh, markaas ayuu ku yiri:

 

Allaha idin-salaama yeelee, bahallada isaga celiya hubkan “.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).Cismaan Yuusuf Keenadiid oo qudhiisa kamid ahaa raggii uu Talyaanigu xilligaas xirey, ayaa gabeyo dhowr ah ka tiriyay xabsiga iyo xaaladihiisii. Gabey kamid ah suugaantaas oo uu marna xaaladda adag oo heysata kaga waramayo, marna uu ku Alla baryaayo wuxuu ku yiri:

 

Qaddartaada Eebow adaan qolona dhaafeyne

Qowlkii ad kaa soo fulaa qoonsimaad malehe

Wax qalloocdey amarkaa ninkii qaabil ku aheyne

Qawaaniin haddii uu lahaa la qas adduunkiiye

Qun-yar baa nimaan biito dhimin loogu ridey qoole

Wax ku qumman garan waayey kii qeydaddaar ahiye

Naga qariye dunidii intey nagu qodbeen daare

Albaabada qafilan goor walbaba qowladaha riixan

Qalab  la xafidaayaan sidii qiima nahay meele

Halkaan ruuxdu qaayibi kareyn oo qalbigu diidi

Qurun lama dhoweystee wixii lagu qushoobaayo

Qudha  kalama yaabniyo naftii qaaliga ahayde

Qaneecaad haddii aan lahayn ma qummanaaneene

Qaabkan aanu joogniyo wixii qahar na soo gaarey

Quwaddaada goortaan deyaan kaga qabownaaye

Qallihii ad keentiyo waxaad qeybisaan noqoney

Qareenkiisu waa adi ninkii qulubsan maantaase

Qiil noo fur kheyrkaagu waa lagama quustaane
(Cismaan Yuusuf Keenadiid)

 

Sidaas uu Cismaan Yuusuf gabeyga ku sheegey (Qalab  la  xafidaayaan  sidii  qiima  nahay  meele), ayaa degaankii Soomaaliyeed iyo
dadkiisii waxay noqdeen qalab rag leeyahay. Beelihii Soomaaliyeed meel ay joogeenba waxaa u bilaabatay taariikh madow. Waxay noqdeen kuwo aanan wax talo ah ku lahayn noloshoodii iyo aayahooda. Waxaa loo ekaadey neef ay dhurwaayo diloodeen oo midba uu dhinac afka kala haleeley. Maamulladii gumeysiga ee dhulka qeybsadey, mid waliba wuxuu dhankiisa ka bilaabey in uu guda-galo sidii uu uga faa’iideysan lahaa kheyraadka dhulka ceegaaga, isaga oo la kaashanaya hadba inta garaadkiisu yahay. Si ay arintaas uga mira-dhaliyaan, mid waliba wuxuu bilaabay in uu ciidamo ka qorto dhallinyaradii geel-jirta ahaa ee u dhashay beelaha ay
gunnimada ku hayeen.

 

Xilligaas siyaasadda caalamku waxay ahayd mid heehaabeysa. Waxaa laga soo baxay dagaalkii I-aad ee adduunka. Dagaalkii II-aad weli ma uusan dhicin, laakiin imbraadooriyadihii dunida ku hayay boobka iyo gumeynta, waa ay isu qalab-tumanayeen. Jarmalka iyo Talyaaniga waxaa taladii u qabtey xisbiyo fashiisti ah oo cunsuriyad iyo talo-urursan ku dhisan. Labada nine e
hor-boodayay waxay ahaayeen Adolf  Hitler iyo Benito Mussolini. Waddanka Jabaan oo la talo ahaa ayaa isna waxaa u talinayay boqor aan talada lala wadaagin, kaas oo sidii ilaah ay u caabudi jireen. Waxaa la oran jiray Emperor Hirohito. Dowladahaas ayaa waxay
u durbaan tumanayeen in ay qeyb libaax ka helaan degaanada caalamkii la gumeyanayay. Waxaa ka soo hor-jeedey Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyagu gumeysanayay waddamada adduunka intooda badan. Islamarkaana ku faanayay in ay dimoqraadiyad yihiin. Sidaa darteed ayaa labadaas awoodood waxay ahaayeen kuwo ku loolama is-fitaaxinta maamulladooda ku dhisnaa aragtida imbriyaaliyadda.

 

Xoogaggii nasiibka u heley in ay Soomaalida gumeeyaan, markii ay ku guuleysteen in gebi ahaan ay gacanta ku dhigeen Soomaaliya, waxay guda galeen in ay adkeeyaan heshiisyadii ay horey u galeen ee la xiriirey diillimaha xudduudaha. Ujeeddadu waxay ahayd in mid waliba ay ugu madax-bannaanaato maamulka iyo ka faa’iideysiga  degaanka gacanteeda gala. Talyaaniga dhankiisa wuxuu Ingiriisku kala heshiiyay xuduudda labadooda maamul ku dhex-mareysa koonfurta Soomaaliya. Waa xuduudda manta jidha ee u dhexeysa
Soomaaliya iyo Keenya. Dhan-kale, sida aanu soo xusney, Talyaanigu wuxuu sameeyey dhismayaal ilaalo ah, kuwaas oo uu ku taxay dhulka uu xuduudda u aqoonsadey ee u dhexeeya maamulkiisa iyo maamulka boqortooyada Xabashida.

 

Waxaa jiray oo kale heshiis hore oo Itoobiya iyo Ingiriiska ay isla-gaareen sanadkii 1894-kii, kaas oo ku saabsnaa xuduudda waqooyi ee u dhexeysa dhulka ay labada dowladood kala maamulayaan (Ogaadeenya iyo waqooyiga Soomaaliya). Xilligaas hore wax calaamad ah uma ayan sameyn xuduudda. Heshiiska waxaa kamid ahaa in xoolo-raacatada Soomaaliyeed aanan lagu qeydin gobolka ay ku nool yihiin, bal
loo saamaxo xilliyada roobabka in xoolahooda ay ula hayaamaan hadba meesha baadka iyo biyaha ay ka helayaan. Isu-socodkii badnaa oo reer miyiga Soomaaliyeed ay ugu kala guurayeen dhulka ay maamulaan labada dowladood, wuxuu caqabad ku keeney habasami u-socodkii labada maamul oo ay doonayeen in ay ka shaqeeyaan labada gobol. Waxaa ku adkaatey in ay kala ogaadaan xaggee ayay ku
eg-yihiin qabiilada xeerarkooda hoos imanaya iyo qabiilada ka madax-bannaan oo maamulka kale laga xukumo.

Boqortooyadii Itoobiya ayaa mar-walba degaanka Soomaalida waxay u soo dirayeen ciidamo cashuurta ka ururiya qoysaska reer miyiga ah. Arintaasi mar walba waxay sababeysey isku-dhac iyo dagaal ay isaga hor-yimaadaan iyaga iyo Soomaalida. Si haddaba labada maamul (Ingiriiska iyo Itoobiyaanka) ay howsha u qeybsadaan, waxay dhigteen heshiis cusub oo ay ku xoojinayaan kii ay  dhigteen sanadkii 1894-kii, kaas oo la xiriirey xuduudda. Labada dowladood waxay isla-dhiseen guddi isla-xariiqa xuduudda dhulka ay kala yeelanayaan. Guddigaas ayaa waxay ku magacaabeen Anglo-Ethiopian Commission Demarcated the Border. Muddadii u dhexeysey sanadihii 1932-kii iyo 1934-kii ayay howl-gal ka wadeen degaanka oo ay ku calaamadeynayeen halka ay maamulladooda ku kala
eg-yihiin. (Lieut. Col. E.H.M. Clifford. The British Somaliland-Ethiopian Boundry. The Geographical Journal. London. Vol. 87. 1936. p.
157
).

Bulshadii Soomaaliyeed ee xoolo-raacatada ahayd, si xooggan ayay uga hor-yimaadeen arinkii. Iyagu waxay bur-buriyeen dhismayaashii ugu horeeyey ee calaamadda looga dhigey dhulka uu xadku marayo. Dabadeed maamulkii Ingiriiska ayaa qabaa’ilkii wuxuu ku soo rogey ciqaab iyo ganaax ciddii falkaas ku kacda. Wuxuu u sheegey in beel ahaan uu ganaaxa ugu dhacayo oo ay bixinayaan xoolo badan, haddii ay ka hor-yimaadaan dhismayaasha calaamadaha u ah xuduudda. (Lieut. Col. E.H.M. Clifford. The British Somaliland-Ethiopian
Boundry. The Geographical Journal. London. Vol. 87. 1936. p. 296
).

Xilligaas qallafsan oo Soomaalidu ay gunnimada ku bilaabatey, ma-jirin aragti muuqata oo ay ku garawsadaan in ay isu geeyaan cududdooda si ay xaqooda u dhacsadaan. Sida ay u badnaayeen waxay ahaayeen bulsho xoolo-raacato ah. Waa ay ku yareyd
garashada ka baxsan degaanka ku hareereysan duddadooda iyo dhulka xooluhu u daaqaan. Hannaanka hiddo-siyaasadeed oo ay garanayeen wuxuu ahaa mid ku dhisnaa qabiil iyo ood-wadaag. Shaki kuma jirin in hwolaha socdey ay dareen ku abuureen
Soomaalidii. Laakiin maqnaanshaha aragtida qowmiyadeed iyo kala baahsanaanta awoodda ummadeed ayaa waxay ahayd mid u hiilineysey xoogagga shisheeyaha ah. Qoraaga la yiraahdo Saadia Touvali, ee u dhashay dalka Mareekanka, mar uu ka faalloonayay xilligaas qallafsan ee la soo dersey bulshadii Soomaaliyeed, wuxuu xusey in ay jireen qodobo dareen geliyay Soomaalida.

 

Qodob wuxuu ku sheegey danaha is-diidey. Wuxuu xusey in ay iska hor-yimaadeen danaha xoogaggii gumeysiga iyo masaalixda beelihii  Soomaaliyeed ee absaxan-wadaagta iyo ood-wadaagta ahayd. Masaalixdaas iska hor-yimid middeedii ugu wayneed waxay ahayd seerayaasha lagu kala gooyay dhulkii ay ku dhaqnaayeen xoolo-raacatada Soomaalida. Taasi waxay caqabad ku keentey isu-socodkii reer miyiga iyo geeddigii ay calafka ugu raadinayeen xoolahooda.

 


Waxaa dhab ah in Soomaalidu ay weli wadeen hayaankoodii xilliilaha ahaa, kaas oo ah mid ay ka dhaxleen awoowayaashood. Arintaasi waxay dhalisey dareen ay Soomaalidii ka qaadeen jiritaanka xudduudihii la sameeyey. Waxaa kaloo arin wal-wal keentey noqotey, geeddiga laga hayaamo gobol xeer siyaasadeed leh oo misana loo hayaamayo gobol kale oo leh xeer siyaasadeed oo kale. Qaar dowladihii (gumeysiga) ah ayaa waxay marar isku deyeen in ay fara-gelin ku sameeyaan hayaanka reer miyiga, iyaga oo
marna isku deyaya in ay joojiyaan (geeddiga reer miyiga), marna isku deyaya in ay habeeyaan
“. (Saadia Touvali.
Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 62. New York – USA
).

 

Sheekooyinka laga dhaxlay arintan waxaa kamid ah, markii la sameeyey xuduudda u dhexeysa Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa Faransiiskii wuxuu reebey in xoolo-raacatada Soomaaliyeed ayan u kala tallaabin xuduudda. Wiil geel-jire ah oo ka soo hayaamey baadiyaha Dirir-dhabe ayaa wuxuu u soo tallaabey xuduuddii Jabuuti. Wiilkii waxaa qabtey ciidan Faransiis ah, markaas ayaa maxkamad la saarey. Waxaa lagu xukumey saddex bilood oo xabsi ah. Markii loo turjumey xukunka ay maxkamaddu ku ridey, wuxuu ku jawaabay:

 


Huuno geel ayaa iga baxsanayee, mid kale oo saddexda bilood idiin xirnaada meelaha ka deydeyda ! ”.

 

Wuxuu ahaa wiil xor ah oo xornimo ku dhashay, kaas oo aanan weligiis arag dhul laga sheeganayo ama lagu sheeganayo. Weligiis dhulkan xoolo ayaa u daaqi jiray, qof ka hor-joogsadana ma uusan arag. Sidaas ayuu ku yimid is-beddelka gunta ka xirmey eek u yimid cimiladii nololeed ee dadka Soomaalida ah  ee ku dhaqan geeska Afrika. Taasi waxay ahayd qodobka hoer ee Soomaalida dareenka ku abuurey, kaas oo ka unkamay maslaxadda is-diidan.

 

Qodobka kale oo Saadia Touvali uu xusey wuxuu ahaa, xoogaggan shisheeyaha ah ee dhulkoodii boobey in dhamaantood ay ahaayeen
kuwo matalayay caalamka laga rumeysan yahay diinta masiixiyada. Soomaaliduna waxay ahaayeen (welina yihiin) bulsho 100 % muslim ah.

 


Dowladaha is-baheystey waxay matalayeen diinta krishtaanka oo waa gaalo. Islaamku wuxuu dhiiri gelinayaa rumeynta in uu
ka sareeyo diimaha oo dhan. ……………………… . Islaamku ma qabo in la kala kaxeeyo diinta (religion) iyo hannaanka nolosha (secular), sida ay masiixiyaddu tahay.  Sidaa darteed aad ayay u adag tahay in dad muslim ah lagu bah-dilo xeer ay dhigteen dad aanan muslim ahayn
“. (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 62. New York –
USA
).

 

Sheekooyinka laga fahmayo sida xooggan oo Soomaalidu ay uga gadoodeen maamulladii gumeysiga waxaa laga garanayaa dhacdadan. Waxay ahayd dood dhex-martay sarkaal Talyaani ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo maxbuus ahaan loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku guulaystay dagaalladii uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari. Ninkii maxbuuska ahaa ayaa waxaa la
hor-keenay sarkaalkii Talyaaniga ahaa. Dabadeed sarkaalkii ayaa wuxuu yiri
:

 


Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaagga degaankiinii qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala heshiisaan oo aad maamulkayaga oggolaataan “.Ninkii maxbuuska ahaa ayaa markaas wuxuu ku jawaabay:


Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa muuqda oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof aragto ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku
bakhtidaa. Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa, dabadeed anigoo lay ilaalinayo ayaa lay geeyaa. Haddaba waxaan kugula talinayaa in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto. Sagaaradii ayaa u jawaabtay oo tiri: Intii meel
kasta oo wanaagsan lay sahmin lahaa, iyada oo lay ilaalinayona lay geen-lahaa, dabadeedna anigoo qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa, waxaan door bidayaa in baahi iyo oon aan duurka la joogo
“. http://www.mudugonline.com/Qoraalo/dhulkayagii21.htm).

 

Qore:
Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,769 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>